Agaasimaha Cusbitaalka Buuhoodle Oo Sheegay Inay Soo Af-jareen Xanuunkii Shuban Biyoodka

(SL.Post) Agaasimaha Cusbitaalka Daryeel ee Magaalada Buuhoodle, Dr Cabdiraxmaan Cali Muuse, ayaa sheegay in la soo gabagabeeyey fidintaanka Xannuunka Shuban biyoodka, balse uu jiro xannuun kale oo laga qaaday biyaha wasakhaysan, kaasi oo ay dadka ka daweynayaan.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Muuse oo u waramay wargeyska Xukuumadda ee Dawan,wuxuu   ugu horeyn ka hadlaya xaaladda fiditaanka xannuunka shuban biyoodka, wuxuu yidhi;   “Waxaan idiin sheegayaa inaanu soo afjaray xannuunka shuban biyoodka  cusbitaalkana waxaa u jiifa 23 qof oo  aanu rajaynayo in ay beri (maanta) ka baxaan.”

Agaasime Dr. Cabdiraxmaan,  ayaa sheegay in guud ahaan deegaan hoos yimaada gobolka Buuhoodle uu si siman hoos ugu dhacay Xannuunka shuban biyoodka oo khatar ku hayey dadka deegaankaasi oo ay dad boqol qof ku dhowi ugu dhinteen.

Dr Cabdiraxmaan, waxa uu tilmaamay inaanay jirin cid shuban-biyood u dhimatay illaa toddobaadkii hore, waxaanu xusay inay dawooyin baliyada, ceelasha iyo goobaha kale ee bulshadu ka cabto.

“Dad tiro kooban ah ayaa u soo dhacaya xannuun kale oo ka dhasha wasakhowga ku dhaca biyaha laga  barkadaha  wasakhaysan xilliyada roobku da’o. waxaana  la yidhaahdaa Seasonal Diarrhea ama xannuunada ka dhasha xilli roobeedka,”ayuu yidhi Agaasimaha cusbitaalka Buuhoodle oo u warramay wargeyska Dawan.

Somalilandpost.net