Afrikaan kale oo isu sharaxay madaxtinimada Fifa

Hargeysa(SLpost)-Laacib kii hore ee reer Nigeria Segun Odegbami ayaa ku dhawaaqay in uu rabo in uu noqdo madaxwaynaha xiga ee hay’adda kubadda adduunka maamusha ee Fifa.

download (5)

63 jirkan oo ku guulaystay koobkii Qaramada Qaaradda Afrika ee 1980 isaga oo ciyaartoy ah waa qofkii labaad ee African ah ee damaaciya jagadaasi ugu saraysa Fifa, waxaa isaga ka sii horeeyay Musa Bility oo reer Liberia ah.

Wuxuu BBC u sheegay in loo baahanyahay in ay Africa kaalin wayn ka qaadato kubadda adduunka. Murashaxiinta rajaynaya in ay badalaan madaxwaynaha sii socda ee Fifa Sepp Blatter waxay haystaan ilaa iyo 26 bisha tobnaad si ay u helaan shan ruux oo taageersan oo Fifa ka tirsan.

Odegbami wuxuu sheegay in damiciisu uu markasta ahaa in uu kubada isbadal ku keeno ama ha noqoto tan dalkiisa ama tan heer caalam. Doorashada waxaa la qaban doonaa 26 bisha 2 ee 2016.

Madaxa Uefa Michel Platini iyo Chung Mong-joon oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed ayaa ka mid ah dadka ku dhawaaqay in ay tartamayaan.