Afrika iyo Dimuqraadiyadda – W/Q: MAC

Waddamada qaarada Afrika waxay soo mareen xaalado badan oo kala duwan oo aynu hore u soo falanqaynay sidaasi awgeed doorarkii iyo isbadaladii horumarineed ay soo martay siyaasada afrika guud ahaan, Iyo waxyaabahii ka baxsanaa ee saamaynta ku lahaa isbadalkii siyaasadeed ee iskaga tallaabay xadadka,kana curtay caasimad kasta oo Afrika ah. Hadaba doorarkaasi taariikheed markan hoos ayaynu uga dhaadhici doona, inagoo dhexgali doona dimuqraadiyayntu siyaasada halka ay maanta marayso, iyo in qaramadii qaatay ku gaadheen higsigii nololeed ee ay ka filayeen.
Ka hor intaynaan hoos usii dhaadhicin waa inaynu laba arrimood kala fahanaa, in ummadi dimuqraadiyad qaadato iyo noqoto dimuqraadi,Ta hore way fududahay,balse in la noqdo qaran dimuqraadi ah ayaa ah hir dheer oo ay gaadhistiisu u baahantahay waqti iyo hawlo badan. Mana aha inaynu si fudud iskugu qancino inaynu nahay qaran dimuqraadiya inagoo ku cabbir qaadanayna dhacdooyin iyo xaalado kooban oo aynu isbidnay inaynu ka shabahno dimuqraadiyadaha kale.In la iswaydiiyo inaynu dimuqraadi nahay looma baahna, balse waa inaynu is waydiina sidaynu maanta nahay?, fikir ahaan,siyaasad iyo bulsho ahaanba ma haynaa jihadii saxda ahayd ee inagu hagi lahayd hirka dimuqraadiyeed, haba foogaadee?
Si aad su’aashaasi u fahamtid, waxa haboon inaad adigu aragtidaada ku qiimayso, markaad akhridid waxyaabaha looga baahanyahay siyaasad dimuqraadiyadoobaysa.Hadii aad rabto inaad ogaato inay dimuqraadiyadi meel ka jirto iyo in kale waa inaad ka eegta saddex dhinac oo mihiim ah.Waa inaad eegta dalkaasi bal inuu dimuqraadi u yahay:
1. Hab ahaan
2. Hay’addo ahaan
3. Dhaqan ahaan
Hab ahaan ma u jirtaa dimuqraadiyadi
Si loo xaqiijiyo inay dimuqraadiyadi si dhab ah u jirto, waxa jirta dood qabta in lagu go’aan qaato xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta geyigaasi ( practical means), sida ay wax u socdaan iyo dhacdooyinka la taaban karo. Waa in la eego habka saldhiga u ah asaasida nidaamka siyaasadeed ee dimuqraadiga ah.Waxaanay aragtidani ka duulaysaa laba muuqaal oo udub dhexaad u ah dimuqraadiyad rasmiya. Kuwaasi oo kala ah.Tabaha ama agabka la adeegsanayo si loo sameeyo isbadal siyaasadeed iyo doorashooyin.
Tan koowaad ayaa ah in la sameeyo qaab-dastuureed damaanad qaad buuxda siinaya in cidii guulaysataa ay hanan doonta xukunka,iyo talo-wareejinta kooxda laga badiyo.Hab leh xil-siyaasadeed muddaysan, isla markaana qeexaya shuruudaha lagu qabanayo doorashooyinka, iyo hogaansanaanta natiijada kasoo baxda. Iskusoo wada duuboo waa in la dhisaa hannaan isku dubarida hab-sami u socodka isbadallada siyaasadeed (heer madaxweyne iyo mid xukuumadeedba ) iyadoo loo marayo doorashooyin la isla aqoonsaday xalaalnimadooda.
Waa tan labaade waxa loo arkaa inay tahay furaha koowaad ee lagu gaadhi karo isbadal siyaasadeed. Waa in la abuuraa xaaladihii lagu suurtogalin lahaa doorashooyin si xor ah loogu tartamo.Si ay tani u hirgashaana, waa inaan xisbina la hor dhigin caqabad ka horistaagta inuu ka qayb galo tar-tanka doorashooyinka sida ( diiwaangalinta, aragtida xorta ah,xaqa is-abaabulida iyo qabashada kulamada lagu arrinsado iyo doorasho maalgalinteeda loo simanyahay). Waa inay jirtaa hab la isla qaatay oo lagu diiwaangaliyo codbixiyaha, hab leh guddi doorasheed madaxbanaan iyo habraac doorasheed oo dhammaystiran.,Guud ahaan, waa inay doorashooyinku noqdaan qaar si xor oo xalaal ah looga wada qaybgalo, u hogaansanaanta natijadooduna tahay waajib sharciya oo dulsaaran dhinacyada uu loolanku ka dhexeeyo.
Hadaba kuwa qaba aragtida ah in haddii aanay jirin hannaan ku haboon,aanay suurtagal ahayn in la helo fur-furnaan siyaasadeed iyo inay doorashooyin joogta ahi ay hor-dhac u yihiin dimuqraadiyad saldhigta.Hadaba aragtidan waxa beeniyay doorashooyinkii xisbiyada badan lahayd ee ka dhacday dalka Zambiya…taas oo tusaale kuugu filan sida aanu hannaanka habraac inoogu damaanad qaadi karin gaadhitaanka isbadal dimuqraadiyeed, balse uu yahay mid noqdo cago uu ku sii taagnaado nidaamka jira.Halkaana waxaynu ka garan karnaa in doorashooyin xisbiyo badan ku loolomaan aanay sahanka qudha ee inoo horseedi kara isbadal siyaasadeed oo dimuqraadiya.
2-Hay’addo ahaan ma u jirtaa dimuqraadiyadi
In la helo nidaam maamul oo leh hay’addo siyaasadeed oo si madax bannaan u xisaabtami kara, islamarkaana loola xisaabtami karo ayaa saldhig u ah dawlad dimuqraadiya. Hay’addo maamul oo lagu asaasay dastuur ama hab-shirciyeed oo leh qaab-dhismeed iyo awood-xileed qeexan ayaa lagama maarmaan u ah isbadalka siyaasadeed ee la rabo. Haddii aanu jirin dastuur dimuqraadi ah iyo garsoor madaxbannaan oo ilaaliyaana,suurto gal maaha dimuqraadiyada la higsanayaa.
In la helo hay’add baarlamaan oo ka kooban xubno matala danta guud ee shacabka guud ahaan,gaar ahaana, codbixiyaashii doortay ayaa tiir-dhexaad u ah taabo galinta nidaam maamul oo dimuqraadi ah. Waa inay wakiiladan iyo dadweynihu yeeshaan xidhiidh toos ah, si ay wakiiladu ula socdaan danaha iyo duruufaha ku xeeran dadkii codka siiyay. .Halka aad moodo maanta in wakiilada baarlamaan ee dawladaha afrikaanka qaar aan xilba iska saarin shacabka,balse ah golaha u jooga xisbiyada ay kasoo kala jeedaan iyo danahooga gaarka ah.
Gole baarlamaan oo siyaasad ahaan la xisaabtami kara xukuumada talada haysa.Waana waajib saaran aqalka baarlamaanka inuu isha ku hayo xukuumada, maadaama oo ay tahay tan ceelka guntisa ku jirta, ee leh go’aamo fulineed oo si toos ah saamayn ugu yeelanaya nolosha caamka ah, iyo xuquuqaha shaqsiyeedba Sixida iyo ku daba-joogista sida ay xukuumadu u gudanayso waajibaadkeeda iyo maamuus-ka xayuubinta masuuliyiinta jabiya dastuurka qaran, ayaa ah tan looga fadhiyo golahaasi. Sidoo kalena waa inay sameeyaan xeerarkii sharci ee ay kula xisaabtami lahaayeen hay’adaha xukumadeed iyo masuuliyiinta ka hawlgalaba, kuwaaasi oo qeexaya awoodaha-xileed iyo waajibaad shaqo eey hay’add gaar ahi u xilsaarantahay.
Dhaqan ahaan ma u jirtaa dimuqraadiyadu?
Si loo eego waa in la ogaado bal inay mabaadiida iyo nuxurka ay xambaarsantahay dimuqraadiyadu oo ay ka qayb kamida tahay dhaqanka ay wadaagaan xaakimka iyo la-xukumuhuba. Fikirka ay shacabku ka qabaan dimuqraadiyada iyo waxyaabahay ka aaminsanyihiin dimuqraadiyada ayaa ah iyadun arrin aan la yaraysan karin.Taariikhdii is-xukun ee dadka iyo sida ay arrimahooga dhaqan ahaan u maaraysan jireen ayaa loo noqonayaa si loo ogaado bal inay dimuqraadiyada siyaasadeed suurtagal ka noqon karto iyo inkale. Sida bal inay sinaanta, wada-tashiga, iyo dhawrsanaanta xuquuqaha nololeed iyo hantiyeed ee shaqsigu ahaayeen wax ku jira habkii nololeed ee ay umadi kusoo caani maali jitay.
Waa in la isweydiiyo, waxay dadku dimuqraadiyada ka aaminsyihiin.? Illaa inteebay la xukumuhu kalsoonyahay dimuqraadiyda siyaasadeed?. Dimuqraadiyadu oo mabda’eeda ugu wayni yahay, Sarraynta rabitaanka dadka, rabitaankaasi oo ay xaqiijintiisa u xilsaarteen wakiilo ay doorteen.Hadaba wakiiladan oo ah dabaqada siyaasiga ee talada maamul haysa, ma u haystaan dadku inay matalaan danahooga guud,isla markaana u taagan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen baahiyahooga asaasiga? Misa waxay xagooga ka yihiin qawlaysato u heshiiyay oo danahooga gaarka u jooga?.
Si loo ogaado in dimquraadiyadu tahay, waraabe-utaag siyaasadeed oo ka been sheegaya xaqiiqada jirta iyo in kale, waa in la darsaa waxa aragti ahaan loo haysto inay dimuqraadiyadu tahay (democratic mentality)iyo bal inuu jiro dhaqan-dimuqraadiyeed oo hoosta kasoo dhismay,oo aan dusha ka iman. Mida laga dhex arki arko, ururada bulshada rayidka ah, ururad siyaasiga ah, saxaafada iyo cilmi-baadhista jaamacadaha iwm.
Arrinta kale oo loo baahanyahay in la eego bal inay dimuqraadiyadu tahay cunsur kamida dhaqanka iyo hab-nololeedkii bulsho lahaan jirtay iyo inkale,waa inaynu eegnaa bal in siyaasad ahaan la iskula xisaabtami jiray ( political accountability) iyo in kale. Waxaynu u baahanahay inaynu u kuurgalno sooyaalkii taariikheed ee ay bulsho lahaan jirtay.Ka hor nidaamka dawladnimo ee casriga ah, sidee ayay bulshooyinka afrikaanku kusoo xulan jireen hogaamiyayaashii dhaqan? Ma sidii loo kala xoog badnaa mise sidii loo kala xoolo badnaa?misa waxa lagu soo xulan jiray sifooyin iyo kartiyo shaqsiyeed? Daacadnimo iyo kalsooni intee le’eg buu ka haystay inta hoostimaada taladiisa?Talada miyaa lala lahaa hogaamiyaha dhaqameed, mise kolba sida isaga kasoo go’da ayay inta kalana ku qasbanayd? Ma labadali karayey hogaamiyaha haddii loo arko inaanu kasoo bixi karin xilkii loo igmaday?
Suaalahaasi aan dusha kusoo sheegnay oo dhan ayay muhiim tahay in si qoto dheer loo darso haddii la rabo in la helo fahamka guud ee ay bulshadu ka qabto dimuqraadiayda.
W/Q. M.A.C