AFKEENII SAWKAA ABAADAY! – W/Q: Siciid Maxamed Askar

Hawraar hore oo Soomaaliyeed ayaa ahayd Nimco waliba Nusqaan leh, luuqada Af-soomaaliga marka dib loo eego waxay ahayd luuqad hodan ku ah dhinaca suugaanta iyo sarbeeb, si xikmadaysan oo ay dadkii hore isku dhaafsan jireen hadalkooda, iyadoo xilliyadaas oo qarniyo ka hor ah aanay jirin, aqoon iyo waliba farsamooyinka casriga ee waqtiyadan dambe wax walba  fududeeya, balse imika oo aqoonta iyo farsamooyinka loo yaqaan afka qalaad (Technology) ay adduun waynaha iyo dalkeenaba ku soo badanayaan, isla markaana adeegsigoodu uu yahay lagama maarmaan, ayaad moodaa inay yihiin qaar dagaal dadban kula jira Afka Soomaaliga, marka laga eegayo dhinaca adeegsiga iyo isticmaalka magacyada agabkoodu ka kooban yahay.

Inta ugu badan bulshada aqoonta leh ee Soomaaliyeed ayaa u muuqda inay isticmaalkii adeegsiga agabka farsamooyinka casriga ugu dhawaaqaan magacyadoodii luuqada Ingiriisiga oo ay ku darsadeen kelmada ama eraygaGAREE, taasoo marka lagu  daro u ekaysiinaysa Af-soomaali, balse aan ka dhigayn.

Waxaan qalinka u qaatay inaan u soo bandhigo inta ila dareemaysa iyo inta aan wali dhug u lahayn lumista boqolaal eray oo afkeena Hooyo ah, markii ay maskaxdayda ku soo urureen in yar oo ka mid erayadaa tirada badan ee sida taxadar la’aanta ah afkeena uga siibanaya isticmaalkooda, kuwaasoo ay meesha ka saaray erayga GAREE, kelmadan oo aan hore ugu jirin, markay keligeed taagan tahayna aan macno la fahmi karayo lahayn.

Waxaan tusaale u soo qaatay qayb ka mid ah erayadaas oo inta badan bulshada aqoonta la bidayaa ay u adeegsadaan shaqooyinkooda iyo adeegsiga agabka casriga ah.

1-      Save-garee

2-      Copy-garee

3-      Print-garee

4-      Install-garee

5-      Forward-garee

6-      Drug-garee

7-      Drive-garee

8-      Drop-garee

9-      Process-garee

10-   Tick-garee

11-   Tag-garee

12-   Chair-garee

13-   Estimate-garee

14-   Like-garee

15-   Post-garee

16-   Comment-garee

17-   Attach-garee

18-   Send-garee

19-   Delete-garee

20-   Select-garee

21-   Attack-garee

22-   Booking-garee

23-   Ring-garee

24-   Call-garee

25-   Missed-garee

26-   Facilitate-garee

27-   Provide-garee

28-   Mention-garee

29-   Torture-garayn

30-   Analyse-garee

31-   Record-garee

32-   Remove-garee

33-   Login-garee

34-   Lock-garee

35-   Push-garee

36-   Cut-garee

37-   Alert-garee

38-   Update-garee

39-   Upload-garee

40-   Bright-garee

41-   Crop-garee

42-   Zoom-garee

43-   On-garee

44-   Off-garee

45-   Edit-garee

46-   Refresh-garee

47-   Play-garee

48-   Link-garee

49-   Share-garee

50-   Connect-garee

51-   Scan-garee

52-   Capture-garee

53-   Develop-garee

54-   Manage-garee

55-   Organize-garee

56-   Plan-garee

57-   Coordinate-garee

58-   Lead-garee

59-   Monitor-garee

60-   Use-garee

61-   Format-garee

62-   Stop-garee

63-   Click-garee

64-   Download-garee

65-   Test-garee

66-   Try-garee

By: Siciid Maxamed Askar

Email: said8090@gmail.com