Afhayeenkii hore ee Kulmiye ee Woqooyiga Maraykanka oo Gobollada Dalkaas ka bilaabay Socdaal Derder-gelinta Hawlaha Xisbiga ah

farxaan (1)Los Angeles (SLpost) Eng. Farxaan Axmed Maaxamuud oo ah Afhayeenkii hore ee Xisbiga Kulmiye ee Waqooyiga Maraykanka oo dhawaanahanba waday derder-gelinta Hawlaha Xisbiga ee dalkaas, ayaa Socdaal ku maray gobollo kala duwan oo Galbeedka iyo Badhtamaha Maraykanka ka tirsan, kulammana la yeelanayey Xubnaha Xisbiga, ayaa shalay gaadhay magaalada Los Angeles ee gobolka California.

Waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Eng. Farxaan, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka California Fu’aad Xasan Muuse, Masuuliyiin iyo Xubno kale oo Xisbiga ka tirsan, waxaanay Xubnahaasi Warbixin ka siiyeen hawlaha Xisbiga ee gobolkaas iyo magaaladaas ka socota ee ay wadaan, oo ay sheegeen inay sii laban-laabayaan.

Masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga Kulmiye ee halkaas ka hadlay, waxaa ka mid ahaa Casha Nuux Abraar oo ah Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee gobolka California ee Xisbiga Kulmiye, waxaanay ka sheekaysay Taariikhda Haweenka Kulmiye lagu yaqaanno laga soo bilaabo wakhtigii Halganka illaa maanta. “Waxaannu ka mid ahayn Haweenkii la socday Mujaahidiinta wakhtigii Halganka, maantana waxaannu ka mid nahay Lafdhabarta Xisbiga Kulmiye oo aynu kaalin muhiim ah kaga jirno. Sidaa daraaddeed, Maantana waxaannu diyaar u nahay inaannu Mujaahid Muuse Biixi Kursiga saarno, hadafkayga iyo himiladayaduna waa sidaa.”

Sidoo kale Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye ee gobolka California Jaamac Muxumed Xaad iyo Xoghayaha gobolka California ee Xisbiga Kulmiye Xasan Yuusuf Abokor, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, waxaanay ku ammaaneen Eng. Farxaan in uu yahay Qofka keliya ee Xisbiga u dhaqdhaqaaqa Maraykanka ee u dedaala isku xidhka hawlaha Xisbiga ee dalkaas, iyaga oo xusay inay ku faraxsan yihiin socdaalladan uu hawlaha Xisbiga ku sii dardar-gelinayo ee uu gobollada iyo magaalooyinka Maraykanka qaarkood ku marayo.

Eng. Farxaan Axmed Maxamuud oo gebo-gabadii kulankaas ka hadlay, ayaa Masuuliyiinta iyo Xubnaha soo dhaweeyey uga mahad-celiyey sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu sheegay in uu Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Kulmiye ee reer California isugu duuban yihiin ee ay u midaysan yihiin, isagana xil-saaraan hawlaha horumarinta Xisbiga.

“Waxaa foodda innagu soo haya wakhtigii doorashada Madaxtooyada, sidaa daraaddeed, waa inaan Xisbiga ka caawinno xagga dhaqaalaha oo ah laf-dhabarta iyo furaha lagu dhaqaajinayo ololaha doorashada ka soo horreeya iyo hawlaha Xisbiga. Markaa, Aniga oo maanta kulankan uga faa’iidaysanaya. Waa in reer Maraykanka Kulmiye aynu Xisbiga la garab-istaagno Dhaqaalaha, si ay hawsha ballaadhan ee doorashadu ay u noqoto mid si wacan innoogu qabsoonta. Markaa, maanta waa inaynu gacmaha is-qabsanno oo dedaalkeenna aynu sii laban-laabno si aynu Xisbi ahaan innaga oo wada jirna oo midaysan u guulaysanno.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Farxaan.

Waxaanu Farxaan Dadka ku dhaqan gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex oo ay 8-da bishan ka bilaabmayso hawsha qaybinta kaadhadhka cod-bixinta ugu baaqay inay Kaadhadhka Cod-bixinta doorashada si hagar la’aan ah u qaataan, si ay xaqooda Dastuuriga ah ugu gutaan oo ay cidda ay rabaan codkooda ugu dooran karaan wakhtiga doorashada.

Kulankaas Afhayeenkii hore ee Waqooyiga Maraykanka ee Xisbiga Kulmiye Eng. Farxaan Axmed Maxamuud la yeeshay Masuuliyiinta iyo Xubnaha kala duwan ee Xisbiga Kulmiye ee gobolka California, ayaa si is-faham iyo isbogaadin ah ku soo dhammaaday, waxaanu Farxaan sheegay inuu sii wadi doono socdaalkiisa derder-gelinta Xubnaha iyo Xafiisyada Kulmiye ee dalka Maraykanka qaarkood uu ku marayo, kuwaas oo uu sheegay in dedaalka ay muujiyaan qayb muhiim ah ka noqon doono sidii uu Xisbiga Kulmiye talada dalka ugu guulaysan lahaa doorashada Madaxtooyada oo u muddaysan inay Somaliland ka qabsoonto 13-ka bisha 11-aad ee sannadkan aynu ku jirno ee 2017-ka.