Afhayeenkii Ciidanka Booliska Somaliland oo Geeriyooday iyo Madaxweynaha oo ka hadlay Geerida Marxuumka

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Alle ha u naxariistee waxa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Afhayeenkii Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Cabdilaahi Xasan Faarax oo muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad u jiifay cusbitaalka Guud ee Caasimadda.

Geerida Marxuumka waxa ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Ciidanka booliska, Shacbiga iyo Qoyskii uu ka baxay ka tacsiyeeyey. Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo Ciidanka booliska Somaliand ee uu ka baxay marxuumka oo muddo ku soo dhex-jiray taliska Ciidanka Booliska.

Madaxweynuhu waxa uu Geerida Marxuumka ka tacsiyadeeyey Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu Fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.