Afhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahin Buubaa Oo Ka Xogwaramay Kulan Ay La Qaateen Masuuliyiintooda Awdal

 

Borama(SLpost)-Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Ibraahin Mahadi Buubaa, ayaa ka xogwaramay kulan ay la qaateen masuuliyiinta heer degmo iyo gobal ee xisbiga Waddani Boorama.

download (2)

Waxa uu sidan ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlaayay Borama waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaanu kulan layeelanay xogwaysi ah xarunta guud ee xisbiga Waddani uu ku leeyahay magaalada Boorama, waxaanu kula kulanay gudoomiyaha degmada Borama iyo ka gobalka Awdal, mudanayaasha golaha deegaanka Wadani uga soo baxay garabka dhalinyarada iyo ka haweenka, waxaanay nooga xog warameen taageerada weyn ee xisbiga Wadaani uu ku leeyahay gobalka Awdal.”