Afhayeenka Mucaaradka Jabuuti oo loo soo celiyey xoriyadiisii maanta

36342A38-CEB9-4C8D-BC34-FFD3000096D4_w640_r1_s_cx0_cy7_cw0Siyaasigan oo maanta dib u helay xurriyadiisii ayaa xidhnaa muddo laba maalmood ah isaga oo lagu eedeeyay in uu ku dhiirigalay dawladda Eritrea in ay weerarto Jabuuti si loo rido maamulka.

Waraysi uu siiyey warbaahinta ayuu ku sheegay inaanay jirin wax shuruud ah oo ku xidhan sii dayntisa, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in xadhigiisa uu ahaa mid ku salaysan cabudhinta mucaaradka.

Daahir Axmed Faarax ayaa sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay mudadii uu xidhnaa, hase ahaate waxa uu xusy in dhowr qof oo ka mid ah taageeryaasha mucaaradka ay weli xidhanyihiin.

Sii daynta siyaasigan ayaa ku soo beegantay iyada oo caawa oo Khamiis ah uu bilaabmayo ololihii doorshada golaha baarlamaanka oo lagu wado in 22ka bishan ay qabsoomaan.

Afhayeenka mucaaradka ayaa sheegay in ay aanu is bedelin mawqifkoodaii ahaa in doorashada ay ka qaybgalaan, isaga oo xaqiijiyay inay aqbalayaan natiijada doorshada, hase ahaate waxaa uu arrintaasi shuruud uga dhigay in ay noqoto doorashadu mid si cadaalad ah u dhacda.