Afhayeenka Madaxtooyada oo faahfaahin ka bixiyey Guddi Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay oo Bulshadu Aragtiyo kala duwan ka Bixisay

Hargeysa, 09 April, 2012 (SLpost)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir “Cukuse” ayaa Maanta faah-faahin ka bixiyey gudidii Wasiirada ahaa ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u Magacaabay qaban qaabada iyo diyaar garowga wada hadalada ay Somaliland la yeelan doonto Somalia.

Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu tilmaamay in Gudidani  yihiin kuwo farsamo oo diyaarin doona ajandaha iyo qaabka wada hadaladu u dhici doonaan waxa uu Afhayeenku cadeeyay in Shantan Wasiir aanay ahayn Gudida rasmiga ah ee Somaliland u meteli doona wada hadaladaas,waxaanu intaas ku daray in inta ka horaysa Xilliga ay wada hadaladani furmayaan laga yeelan doono Talo qaran taas oo lagu Go’aamin doono Cida Somaliland uga qayb galaysa .

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C.laahi Maxamed Daahir “Cukuse” waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” isagoo ka duulaya Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Caalamiga ahaa ee lagaga hadalay arrimaha Somalia ee 23-kii bishii feberweri   ka Qabsoomay dalka Ingiriiska isla markaana fulinaya intii ka khusaysay Somaliland uu Go’aansaday inuu magacaabo Shan Wasiir oo qaban qaabin doona qaabka ay Wada hadaladu u dhacayaan.

Advertisement

Mudane C.laahi Cukuse wuxuu farta ku fiiqay in beesha caalamku ay ku talisay in Somaliland iyo Somalia ay isla meel dhigaan Xidhiidhkooda Mustaqbalku sida uu noqonayo waxaanu xuay inay fursad muhiim ah u tahay inay Somaliland hesho aqoonsi buuxa,waxaa kale oo Afhayeenka Madaxtooyadu intaas raaciyay in gudidani ay ka qayb gali doonaan shir ka dhici doona Magaalada London kaas oo lagu sii ambo qaadayo dhamaystirka Go’aamadaasi.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C.laahi Maxamed Daahir “Cukuse” waxa uu hadalkiisa ku sheegay in Xukuumada Somaliland ay meel wanaagsan wax marinayso isla markaana uu majaraha u hayo hogaamiye ruug cadaa ah oo dalka iyo dadkaba wax badan u soo qabtay ilaa iminkana u dabran u adeegista ummadiisa.

SLpost News

Hargeysa, Somaliland

Follow us On