Afhayeenka Komishanka Oo Ka Jawaabay Cabashada Dadka Gobalka Togdheer Ee Ay Abaarahu Saameeyeen

Hargeysa(SLpost)-Afhayeenka komishan doorashooyinka ayaa ka jawaabay cabashada qaar ka mid ah dadka deegaanka abaarahu ay saameeyeen ee Togdheer, waxa uu sheegay afhayeenku inay wakhti dheeri ah ugu darayaan deegaanada abaarahu ay ka jiraan si dadku ay wakhti ugu helaan inay is diiwaangaliyaan.

Siciid CalI Muuse Afhayeenka komishanka doorashooyinka oo ugu horayntii ka hadlayay kulan ay qaateen xubno ka socday xisbiyada qaranka waxa uu yidhi”Kulankan aanu lahayn waxa uu ahaa maadaama oo uu wakhtigii soo dhawaaday inaan is dardar galino oo hawalahu halkay marayaan aanu wada socono,iyaguna waxii talooyin ay ee ay soo jeedinayaan aanu helno waayo kimishanku waxay u shaqaynayaa waa xisbiyada iyo wadanka.”

Afhayeenka komishanka waxa jawaab ka bixiyay cabashada dhawaan ay soo jeediyeen dadka deegaanka gobalka Togdheer oo ay qaarkood abaaro sameeyeen”Komishanku waa uu ka warqabaa duruufaha wadanka ka socda, hadii ay abaar ahaan lahayd iyo hadii ay wax kale ahaan lahayd waanu ognahay in aan meelaha qaarkood dadku sidii ay u daganaayeen aanay u daganayan maanta,markaas waxa jira barnaamij aanu ugu talo galnay oo aanu wadno imika oo ah in xiduudaha dalka gaar ahaan ta Itoobiya in wakhtigii caadiga ahaa ee diiwaangalintu soconaysay ee qalabka dib loo soo qaadayay inaan wakhti ugu darno goobo cayiman oo ay sii shaqeeyaan ilaa inta dhaqaalahu noo saamaxayo, wax kale oo aanu qaban karanaa ma jirto.”

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland