Afar Saxafi oo Hargeysa lagu guddoonsiiyey Abaal-marin

Hargeysa(SLpost):- Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Somaliland ayaa maanta afar abaal marinood guddoonsiiyey afar Wariye oo ka qayb qaatay Tartan ay u qabteen Suxufiyiinta Somaliya kuwaas oo barnaamijyo ka diyaariyey dhinacyada Baadhista, xuquuqal Insaanka iyo Carruurta.

xaf4-

Afartan wariye oo qayb ka ahaa Abaal marinta Qaramada midoobay bixisay ayaa maanta Xaflad balaadhan oo ay Ururka Suxufiyiinta Solja soo qaban qaabisay lagu guddoonsiiyey Abaal marinahay mutaysteen oo isugu jiray Laptop iyo Record casri ah.

Wakiilka Xafiiska Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland oo goob joog ka ahaa Abaal marinadan ayaa soo dhaweeyey Suxufiyiinta Somaliland gaar ahaan kuwa ku guulaystay abaal marinadan isagoo kuwa kalena ugu balanqaaday in ay tartamo kale oo ay ku dhiirigalin doonaan u qaban doonaan.

xaf6

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe, Maxamed Cismaan Fadal oo ka tirsan madaxda Wadani iyo wasiiradda Warfaafinta, Arrimaha Byulshada iyo shaqada, Daladda Nagaad iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraady doorka Saxaafaddu ku leedahay arrimaha Bulshada, waxaanay dhamaantood ku booriyeen in ay iska xil saaraan warar tabinta iyo Horumarka Dalka.

xaf3-

Weriyayaasha la Guddoonsiiyey Abaal-marinaha ayaa kala ah Naasir Maxamed Cllaahi oo ka socday Waaheen Media Group, Barkhad Ladiif Cumar oo ka socday Wargeyska Saxafi, Saleebaan Cabdi Cali Kalshaale (Gobanimonews.com) Khadar oo ka socday wargeyska Yool.

 

SOMALILANDPOST.NET

Contact@somalilandpost.net