Afar Qof oo Dabley reer Buuhoodle ah u Af-duubnaa oo maanta Si Shuruud la’aan ah lagu sii daayey

Buuhoodle (SLpost)- Wada xaajood nabadeed oo dhex maray egro ka socota Bariga magaalada Burco iyo duqay ka soo jeedda deegaanka Buuhoodle, ayaa sababay in si shuruud la’aan ah xoriyadoodii loogu soo celiyo afar nin oo dhawaan dablay hubaysani ka afduubeen jiida degmada buuhoodle.

Ergooyinka labada dhinac ayaa sii-deynta Afarta qof ku tilmaamay mid ka timi is-kaashi labada dhinac dhexmaray iyadoo  la xeerinayo wada dhalashada iyo derisnimada beelaha Somaliland iyo weliba Waan Waan socotay muddo laba todobaad ah, ay aakhirkii  ku qanciyeen dablaydii haysatay afartaas nin, in ay si shuruud la’aan ah ku soo daayaan isla markaana dablaydani ka ajiibeen baaqan uga yimid Sama doonka labada geesood,ee isu xilqaamay soo afjarida arrintan.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in afartaas nin oo sadex ka mid ahi ay arday ahaayeen iyo hal nin oo geel-jire ah iyo odayaasha bariga Burco hadhiimo-sharafeed lagu soo sagootinayay loogu sameeyay gudaha Magaalada Buuhoodle.

SOMALIANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net