Af-soomaaliga cusub ee dhalinyartu isku af-garato – W/Q: Cali Coomay

Cali Coomay
Cali Coomay
Cali Coomay

Waa kalmado ay si joogto ah, u isticmaalaan da’yartu oo dhexdooda ay isku fahmaan, balse aanay dadka waayeelka ahi fahmin. Marka laga reebo dadka waayeelka ah ee dhalinyarta xidhiidhka la leh. Bal ee hadda eeg:

 

           Erayada cusub                                                                                                      macnahooda

1.       Wuu is-rifayaa………………………………………………………………………….wuu qayilayaa
2.       Waad igu liin-baxday…………………………………………………………….waad iga hadhi weyday

3.       Yaa la socda……………………………………………………………………………… yaa taageersan
4.       Waa loo raran yahay…………………………………………………………………..uurbaa loo leeyahay
5.       Nadiif baan ahay…………………………………………………………………………lacag ma haysto
6.       BBC-da og…………………………………………………………………………………….qof kasta og
7.       Lugtuu aastay………………………………………………………………………………wuu guursaday
8.       Waa loo qayilay…………………………………………………………………………… waa la khiyaameeyey
9.       Baddaa ku kacsan…………………………………………………………………………. Wuu lacag la’yahay
10.   Waa lala soo darsay……………………………………………………………………….jacayl baa ku dhacay
11.   Tacsibaa u taal……………………………………………………………………………….waa lala guursaday
12.   Afkuu furtay……………………………………………………………………………………wuu caytamay
13.   Dhiiqaduu cabay………………………………………………………………………………wuu ceeboobay
14.   Noo baandhee…………………………………………………………………………………aynu is-dhagaysano
15.   Waa laga lushaa………………………………………………………………………………..waa la jecel yahay
16.   Nalbuu shitay……………………………………………………………………………………sirtiisuu sheegay
17.   cid kale ayey u raran tahay ………………………………………………………………qof kalay la sheekaystaa
18.   naftay dhigeen…………………………………………………………………………………way tahriibeen
19.   badduu galay……………………………………………………………………………………balwad ayuu yeeshay
20.   jeebiisaa qoslaya………………………………………………………………………………waa oday lacag haysta
21.   gaadhigayga maaha………………………………………………………………………….kama helo noocan
22.   shahaadaa loo dalbay………………………………………………………………………dhaawac baa gaadhay
23.   miisaan ayaa saran……………………………………………………………………………meel baa laga haystaa
24.   jilbuhuu aastay…………………………………………………………………………………caruur buu dhalay, aabo
25.   google weeyi…………………………………………………………………………………….waxba lagama qarin karo
26.   timuhuu daystay……………………………………………………………………………..wuu waashay
27.   hawo ayuu soo doontay………………………………………………………………….Dibada ayuu ka yimid
28.   gacantaa dheeraatay………………………………………………………………………wuu shaxaad badatay
29.   yaa kula og…………………………………………………………………………………….macquul maaha
30.   maskaxduu furtay…………………………………………………………………………maandooriyuu soo cabbay
31.   cirkuu galay………………………………………………………………………………….wuu dhoofay
32.   wuu ku qarxiyey………………………………………………………………………….wuu ku caddeeyey
33.   luuq buu ku jiraa………………………………………………………………………….wuu guursaday
34.   wuu tigtigan yahay…………………………………………………………………….. .waa tahriib
35.   yaasiinkaa dhaafay…………………………………………………………………miinaa la qaraxday
36.   wuu baxsan yahay……………………………………………………………….. sheekada lama socdo
37.   ducadii ma timid…………………………………………………………………….biilkii ma yimid.

 

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com