“Adiga ayaa madaxweyne ah hadii faraha layskula tago suuqii aad joogi jirtaybaad ku soo noqon..” Xisbiga Waddani

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 

Hargeysa(SLpost)-Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, ayaa luuqad adag kula hadlay madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, isaga oo sheegay hadii sharciga dalka ay ilaalin waayaan inuu madaxweynuu suuqa ku soo noqon isaga oo rayid ah.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani ayaa si adag uga soo horjeestay wareejinta haamaha shidalka waxaanu madaxweynaha ugu baaqay in uu sharciga dalka ilaaliyo. waxa uu arimahan kaga hadlay xighayahu warasi uu siiyay tilifishanka Star, waxaana hadalkiisa ku bilaabay sidan “Hadii wareejinta haamahu ay dhacdo waxay ka dhigantahay dalka sharci ma jiro anaga ayaa waxaanu doona samaynayna, taasina maaha mid suurto gal ah iyo wax cidi aqbalayso, waxaanay ka dhigantahay in farah layskula tagaayo, waxaanu leenahay madaxweyne ka joog adiga ayaa madaxweyne ah hadii faraha layskula tagna suuqii aad joogi jirtaybaad ku soo noqon, waxay nala tahay inaad ixtiraamto nidaamka iyo shuruucda dalka, go’aanka golahana aad raacdo, hadii aad go’aankaas golaha raaci waydo iyagana umada ayaa soo doortay adigana umadda hadaad diido tooda taaduna socon mayso, waxaanu leenahay danbaa kuugu jirta inaad u hogaansanto go’aanka golaha. hadii aad leedahay dalkani jirimaayana waxaanu ku leenahay uu jirayaa adigaana hawlyar oo ka tagi doona.”