Adeegsiga Nidaamka Caddaalad Ciqaabeedka si Wax Looga Qabto Hab-Dhaqanka Bulshada ka soo Horjeeda & Danbiyada Yaryar ee ay Carruurtu Galaan

 

Horizon Institute waxa ay maanta baahinaysaa warbixinteedii afraad ee taxanihii u gaarka ahaa fal-celinta waaxda caddaaladda Somaliland marka ay carruurtu ka hor yimaadaan sharciga. Adeegsiga Nidaamka Caddaalad Ciqaabeedka si Wax Looga qabto Hab-dhaqanka Bulshada ka soo horjeeda & Danbiyada Yaryar waxa ay baadhis ku samaynaysaa sida iyo sababta carruur badan oo lagu xukumay danbiyo aan cuslayn ama hab-dhaqankooda bulshada ka soo horjeeda ay ugu danbeeyaan xabsiga. Warbixintu waxa ay si tifaftiran u soo bandhigaysaa cawaaqibta iyo saameynta ay ku yeelanayso iyaga iyo qoysaskooda iyo guud ahaan Somaliland. Sidoo kale Horizon waxa ay soo bandhigaysaa tallo-soo jeedin muhiim ah si loo xaqiijiyo in aan dhallinyartaa la iska xidhin, lasoo eedayn, dacwad lagu soo oogin xabsigana loo taxaabin iyo in aan loo isticmaalin booliska iyo maxkamadaha bedelka hay’adaha fidiya adeegga bulshada.

Qaar badan oo carruurta kamid ah waa markii koowaad ee ay sharciga ka hor yimaadaan. Marka carruurta iyo dhallinyartu is-dagaalaan, wax xadaan, dugsiga ka tagaan, guriga ka baxsadaan, mukhaadaraadka isticmaalaan ama ay la soo deristo dhibaato dhanka dhimirka ahi, waxa waajib ah in aynu dhammaanteen ka hawlgalno ama jiraan barnaamijkii wax lagaga qabanayey. Nidaamka caddaalad ciqaabeedku dhab ahaantii waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa sidii loola tacaali lahaa danbiyadaa culus iyo qalalaasaha. Balse, inta badan, qoysasku waxa ay miciin ka dalbadaan booliska, maxkamadaha iyo xabsiyada si ay uga fakadaan masuuliyaddii carruurtooda ka saarnayd, ama iyaga oo dhab ahaan culays badani saaran yahay oo ayna awoodin in ay la tacaalaan caqabadahaas.

Maadaama ay maqantahay adeeggii bulshada ee ay dawladdu bixin lahayd, saraakiisha booliska waxa laga filanayaa in ay u dhaqmaan sidii dadka ka hawlgala arrimaha bulshada, doorkan oo ayna tababarna u helin agabkii iyo khayraadkii ay ku hawlgeli lahaayeena ayna haysan. Intaa waxa dheer, jawaab-celintoodu waxa ay noqotaa in ay duubaan ama xidhaan kooxaha dhallinyarada ah si ay dhibta uga fogeeyaan ama ay u ciqaabaan iyaga oo fulinaya codsiga qoysaskooda. Sidoo kale waxa sameeya xeer-illaaliiyaashu iyo garsooreyaashu kuwaas oo isu arka in ay fulinayaan waajib qaran marka ay dacwadda ku soo oogayaan, xukumayaan isla markaana ay u dirayaan xabsiga mudada dheer ah dhallinyartaas “si ay cashar u baraan iyaga.”

Habkan caanka ahi waxa uu leeyahay cawaaqib xun, gaar ahaan marka la tixgeliyo cidhiidhiga iyo duruufta adag ee ka jirta saldhigyada booliska iyo xabsiyada kuwaas oo ay yartahay in ay leeyihiin qayb u gaar ah carruurta ama qayb waxbarasho iyo tababar lagu siiyo dhallinyartaas. Qolalka saldhigyada booliska iyo xabsiyeyntuba jidh ahaan iyo maskax ahaanba dhaawac ayay soo gaadhsiiyaan dhallinyartaas wayna yartahay fursadda in iyaga oo fayow dib ugu noqdaan bulshadii.Waayahaa qalafsani waxa uu kala dhantaalaa ama soo gunaanadaaba waxbarashadoodii taas oo saameyn ku yeelata shaqadii ay mustaqbalka qaban lahaayeen. Waxa ay dhaawacdaa sharaftoodii iyo xirfadoodii waxayna yaraysaa fursaddii ay dib ugu dhex gali lahaayeen bulshada. Culayska ku dhacaya qoysaska — mid dhaqaale, mid caadifadeed iyo waqtiga ka baxayaaba — waa mid aan la qiyaasi karayn.

Habka waqti xaadirkan ee awoodda la saarayo in saldhigyada lagu hayo ama xabsiyada loo taxaabaa waxa uu sidoo kale culays ku yahay xukuumadda Somaliland. In laga leexiyo nidaamka caddaalad ciqaabeedka dhallinyarta markoodii koowaad danbi ku dhacday ee gaystay danbiyo fududi waxa ay badbaadin lahayd lacag badan oo la gelin lahaa waxbarashada iyo adeeggyada bulshada. Hiigsiga fog, in kastooy kooban tahay waxay horseed kartaa in bulshada laga illaaliyo danbiga. Taas lidkeeda, in lala xidho dhallinyarta dadka waaweyn ee danbiyada galay, fursad waxa ay u siinaysaa in ay ka soo baxaan xabsiga iyaga oo soo bartay aqoontii ay ku gaysan lahaayeen danbiyo kuwii hore ka culus.

In ubadka loo diro xabsigu xal maaha. Waalidka, qoyska, hogaamiyaasha bulshda, barayaasha iyo adeegeyaasha bulshada ayaa ah goobta ugu habboon ee lagula tacaali karo dhaqankaa aan bulshadu aqbalayn.

Wax ka muhiimsani ma jiro in aynu daryeelno ubadkeena marka ay ugu baahi iyo nuglaansho badan yihiin. In la soo afmeero meertadan burburka horseedaysa, waxa ay u baahan tahay hoggaamin xukuumadda ka timaada oo lagu dejiyo, hirgaliyo iyo in lagu kormeero istaraatiijiyadaha la doonayo in lagaga hor tago hab-dhaqanada xadgudubka ku ah bulshada ka hor inta ayna gaadhin nidaamka caddaalad ciqaabeedka. Qoyska, dugsiyada, xukuumadda iyo bulshadu dhammaantood waa in ay ka wada shaqeeyaan ka hortagga iyo sidii loo daryeeli lahaa ubadkaa iyo qoysaskooda aan awoodin in ay la tacaalaan dhibtaas.

Warbixintani waa qaybtii afraad oo kamid ah taxane shan qaybood ka kooban, Fashil-wadareed: Sida uu Hanaanka Cadaaladda Danbiyada ee Somaliland uu u Waxyeelleeyo Carruurta iyo Waxa aan Ka Wada Qaban Karno. Ujeedada taxanuhu waa sidii loo abuuri lahaa in dadweynuhu u dhug yeeshaan isla markaa ay kalsooni ugu yeeshaan sidii ay u soo bandhigi lahaayeen caddaalad darooyinkaas.