Adduunyoow Waayo Badan: Maalqabeen Kii Shalay Oo Manta Dawarsanaya Jidadka Hareeraooduna Hoy U Yihiin

Washington (SLpost)- Waayaha adduun ayaa ku wacad furay maalqabeen hore caan uga ahaa suuqa dillaalka iyo iibka saamiyada ee Maraykanka, waxa aanu ka dhigay dawarsade u hoyda shaaracyada magaalada New York. Ma’ laha guri uu u hoydo oo aan ahayn in uu maalintii seexdo beeraha loo laydhsi tago ee dawladda iyo jidadka dhinacyadooda, habeenkiina dhismayaasha hortooda ku beryo.

William Preston King ay saaxiibbo dhow ahaan jireen maalgashadaha caanka ah ee Jordan Belfort, ayaa mar uu raasamaalkiisu Malaayiin doolar ahaa, nolol dad badani jantaanna ku raaxaysanayey. Waxaa lagu naanaysi jiray xeelad-yaqaanka suuqa saamiyada Maraykanka, waxa aanu lahaa xusuus-qorro markii dambe laga sameeyey filimka The Wolf of Wall Street (Yeygii Suuqa Lacagta ee Wall Street) filimkaas oo dhowaan la dhamaystiray samayskiisa. Sannadihii Siddeetamadkii waxa uu William Preston King ka mid ahaa ragga ugu caansan maalqabeenka Malaayiinta

Picture213-150x150

haysta, laguna tilmaamo garaad badni, xirfad iyo weliba maamul wanaag dhinaca lacagta iyo maalgashiga ah. Waxa uu wadan jiray baabuurta ugu qaalisan dunida, guryo aad u badan oo la kireeyo ayaa uu ku lahaa New York, Bangiyada iyo shirkadaha maaglashiga saamiyaduna aad ayaa ay u jeclaayeen, oo culays kasta oo uu leeyahay dalabkiisu haddana waxa ay soo jiidan jireen in uu la shaqeeyo, laakiin mar keliya ayaa King raq iyo ruuxba laga waayey dunida.

Muddo dheer kadib oo la la’aa King ayaa dhowaan wargeyska New York Post oo uu Geeska Afrika soo akhriyey helay William Preston King. Tifaftiraha wargeyskan ayaa maalin maalmaha ka mid ah isaga oo eegaya sawirro uu soo bandhigay mid ka mid ah ururrada ka shaqeeya daryeelka dadka darbi-jiifka ah, waxa uu ka dhex arkay King oo uu markiiba wejigiisa gartay, sawirrada qaar jidka badhtamihiisa ayaa uu iska jiifaa, isaga oo barkan shandad maas ah.

 

Sabab aan illaa hadda la garanayn ayaa King mar keliya isbeddel ku keentay oo sababtay in Malaayiintii lacag ahaa ee uu haystay uu u isticmaalo si aan xisaab iyo misaan ku dhisnayn, waxa uu bilaabay in uu isticmaalo maandoooriya oo weliba noocyada ugu qaalisan uu iibsado. Intaas waxaa u dheeraa tallaabooyin dhaqaale oo uu si aan looga baran ugu dhiirraday, kuwaas oo ku keenay khasaare weyn illaa uu gaadhay heer wixii uu hanti iyo lacag hayey ka baxaan oo uu waayo wax uu cunto siisto.

King markii uu jeebkiisu madhay waxa uu bilaabay in uu dawarsado wax uu cunto siisto iyo cunto uu cuno, waxa aanu degey xaafadda Greenwich village ee magaalada New York oo uu maalintii ka dawarsado habeenkiina shaaracyada ama beeraha laydshiga loo tago seexdo. War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa intaas ku daraya in wargeyska New York Times uu la xidhiidhay King walaashii oo lagu magacaabo Cristina si uu xaalkiisa u weydiiyo waxa aanay ku jawaabtay, “Wax kasta oo uu u baahan yahay waa uu naga heli karayey, laakiin mar keliya ayaa uu goostay, o owarkiisa aanan maqal tan iyo bishii Jeenaweri (2015), waxa uu diiday in qoysku caawiyo, kadib inta uu lacag yar iga xaday ayaa la waayeyba”

King Saaxiibkiisa maalqabeenka ah ee Jordan Belfort ayaa isna si aan laga filayn hadal jilicsan uga yidhi xaaladda uu King ku dambeeyey, “Waa arrin aad looga murugoodaa, waxa aan rajaynayaa in qoyskiisu helo”

Xigasho Geeska Afrika