Addoomo Bilaash ah!

Xilligii addoonsiga ay reer Galbeedku ku hayeen qaaradda madow, ee uu socday Ganacsigii Saddex Geesoodka ahaa (Afrika-Yurub-Maraykan), aadna looga soo daabbuli jiray addoomaha si loogu adeegto dhulkooda, waxa reer Galbeedka kaga bixi jiray qarash iyo adduun laxaad leh. Iska laaluushidda madaxda deegaannada ka soo bilaw, dillaaliinta, raridda ilaa dejinta. Lacag adag ayaa ku bixi jirtay waagaas addoomahaas ujeedkoodu yahay in ay shaqaale jaban ka noqdaan beeraha Maraykan.

 

Maanta Yurub iyo Maraykan, Galbeed oo idil, waxa ka jirta dalab shaqaale oo isa soo taraya. Addoomo cusub waa daruuri. Ma qiyaasaysaa in Galbeedku weli ka daabbusho addoomihii Afrika?

 

Dadkan tahriibaya ee xoogga la soo kacaya ee hadhow Galbeedka ku gaadha isa soo debbarid iskood ah, oo naft-hurid ah, ma waanay ahayn “Addoomo Bilaash ah”?
Sidee? Maanta itaalka dhallinyarada u badan ee dalalkii Afrika ka sii qulqulaya, una suudalaya dhankaa iyo Galbeed waxa ay isku sii miidaamiyaan si ay ‘shaqaale aan la dalban’ uga noqdaan gudaha dhulalka Galbeedka. Laba faa’idaba waa ay taagan yihiin maanta Galbeedku: Shaqaale qabta hawlaha yaryarka ah ee muruqa u baahan waa heleen, wax qarash ahina kagama uusan bixin!

 

Waa taa maanta waddamada qaar ay soo xidhanayaan irriddaha dalalkooda, iyaga oo afka ka sheegaya in ‘dhaqaale iyo dhul ahaanba aanay qaabbili karin qaxoonti dheeraad ah’, balse hoos ahaan loo fasiran karo in ‘loo muujiyo addoomaha Afrika ka soo yaacaya in ay iyagu u baahan yihiin dalalkan, sidaa darteed lagu caansiiriyo’!

Waa “addoomo bilaash ah” oo weliba kaaga daran e haddeer iyagu aaminsan in ay halkaa, Galbeedka, nolol wanaagsan ka helayaan!

 

Haddii aan tusaalayn kugu kabo, adiga oo ganacsade ah ayaa aad ugu baahan ruux baalashle ah. Runta marka laga hadlo adiga ayaa si xoog ah u baahan. Si aad haddaba u heshid kaba-caseeye jaban oo aan dareemin in aad si waali ah ugu baahi qabto, si uuna isugu kaa macaashin, waa in aad xeelad la timaaddaa ka dhigta isagu in uu dareemo in uu adiga kuu baahan yahay! U feker haddaba…
… Haa, hadda ayaa aad dhako keentay! Waa adigaa daabacay xayaysiisyo ay ku qoran tahay: “Ma tahay baalashle xirfad leh?, ma u baahan tahay in aad ka dallacdid daasaddan aad is-daba siddid?, ma rabtaa in baalashidda horumar ka samaysid?, ma jeceshahay in aad baalashkaaga ka liibaantid?… Haddii ay warcelintaadu “Haa” tahay, la xidhiidh xafiiska hebel hebel, si aad u heshid cid ku caawisa. Waqtiga uu xidhmayo iyo tirada la qaadanayaaba waa kooban yihiin, ee hore u gaadh!

 

Ogaysiiskaa marka ay arkaan, waa kuwaa iyaga oo kankoonsan, isuna haysta in ay iyagu baahan yihiin, isa soo tubay xafiiskii. Laga yaabaa in xaafadaha ay ka yimaaddeen aad uga fog yihiin xafiiska, basna loo soo raaco, adigu wax qarash ah kuma aad bixin baskooda iyo ficiiskooda, ama baabuur ha soo raacaan ama ha soo lugeeyaan, adiga waxba kaagama shan iyo toban aha, waa kuwaa isa soo debbaray! Hadhowna waa adigaa shaqaaleeyay shan ka mid ah, ileen goobtaada ganacsiguba waa bilaa baalashlayaal e. Uguna madax-buuxiyay in ay dhawaan dhiishii fakhriga tuuri doonaan!

Sawirkaa bal suurayso!
Kaas uun ku ballaadhi aragtida ka danbaysa tahriibka iyo waxan lagu tilmaamo Kaadhka Cagaaran (Green Card) ee Maraykanku baxsho. Labada goorba adiga damacsan tegista ayaa isa sii qarash-garaynaya. Waaba haddii aad tahriibka ka badbaaddo dhimasho, Kaadhka Doogga ahina uu kuu soo baxo!

Shaqaale hawl yari lagu helay iyo addoomo bilaash ah ma waanay kula ahayn?

 

***

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde
Email: muslim.guudcade@hotmail,com
aragtixora.wordpress.com