Addis Ababa: Warbixin laga diyaariyey Qorshe Dowladda Ethiopia ku maalgelinayso Dhismaha Khad Tareen oo Isku Xidhaya Berbera ilaa Ayisha

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Ethiopia ayaa ku hawlan sidii maalgelin ugu raadin lahayd hirgelinta dhismaha Jid tareen ah oo Dekedda Berbera ku xidhaya jidka tareenka ee isaga kala goosho Ethiopia iyo Jabuuti.

Distance from Ayisha to Berbera railway will be 310km
Distance from Ayisha to Berbera railway will be 310km

Qorshaha dowladda Ethiopia ee hirgelinta Jidka tareenka oo lagu soo bandhigay Shir maalgeshi ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gaadiidka Ethiopia, kaas oo 25-kii March ee sannadkan ku qabsoomay magaalada Addis Ababa, waxaanu qayb ka yahay qorshaha horumarinta kaabayaasha Dhaqaalaha dalkaas ee hirgelintooda loo asteeyey 10-ka sanno ee socda.

Wargeyska Capital Ethiopia oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa, ayaa warbixin dheer ka diyaariyey qorsheyaha dowladda Ethiopia ugu talo-gashay hirgelinta jidka tareenka oo isku xidhaya magaalooyinka Berbera iyo Ayisha oo ku taala dalka Ethiopa, halkaas oo uu maro Jidadka Tareenka ee isku xidha dalalka Ethiopia iyo Jabuuti.

Wargeysku waxa uu sheegay in hirgelinta mashruucan oo dowladda Ethiopia uga dan-leedahay sidii ay isugu xidhi lahayd labada dekeddood ee Jabuuti iyo Berbera oo Ethiopia isticmaasho, isla markaana maalgelinta kharashka ku baxayana loogu soo bandhigi lahaa ganacsatada gudaha iyo dibadda dalkaas.

Sida ay dowladda Ethiopia qorshaha mashruucan ugu soo bandhigtay Shirkii Maalgeshiga ee Ethiopia ka dhacay bishii hore, jidadka tareenka ee Isku xidhaya Berbera iyo Ayisha waxa dhererkii lagu sheegay 310KM, waxaana inta ugu badan ee dhismaha mashruucan laga fulin doonaa gudaha Xuduudka Somaliland.

Magaalada Ayisha oo ka tirsan gobolka Shinniile ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, waxa mara jidka tareenka ee isku xidha Ethiopia iyo Djibouti, waxaanay xuduudka Somaliland u jirtaa masaafo dhan 60KM oo noqonaysa inta kaliya dhismaha mashruucan laga hirgelin doono gudaha Ethiopia, halka 250Km kalena laga samayn doono gudaha Xuduudka Somaliland.

Warbixinta uu qoray Wargeyska Capital Ethiopia oo lagaga hadlay muhiimadda Dekedda Berbera ugu fadhido dalka Ethiopia, waxa lagu yidhi, “DP World oo laga leeyahay Dubai waxay maalgelin ballaadhan ku samaysay Dekedda Berbera oo muhiim u ah Qaybaha Koonfurta iyo Koonfur-bari Ethiopia.

Qorshaha mashruucani wuxuu muujiyay in la rajeynayo in dalka loo furo marin-badeed kale oo caalami ah. Dhismaha khadkan tareenku wuxuu la jaan qaadi karaa khadka hadda jira ee Addis Ababa ilaa Djibouti.”

Sida wargeysku ka soo xigtay wasaaradda Gaadiidka Ethiopia, waxa mashruucan ku baxaya adduun lacageed oo dhan $1.5 Bilyan, haseyeeshee waxa xusid mudan inaan warbixinta lagu kala saarin in kharashkaasi yahay wadarta guud ee lacagta ku baxaysa mashruuca ee gudaha labada waddan inuu yahay inta inta ku baxaysa dhismaha tareenka ee gudaha Ethiopia oo kaliya.

Waxa kale oo warbixinta wargeyska lagu soo qaatay qorshe fashilmay oo hindisihiisa uu iska lahaa ninka ugu maal-qabeensan dalka Ethiopia Cali Al-Amoudi oo 20 sanno ka hor soo bandhigay hirgelinta khad tareen oo isku xidhaya Somaliland iyo Ethiopia.