ADDIS ABABA: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ku Leedahay Dalka Itoobiya

 Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ku guda jira safarka shaqo ee ay ku joogaan dalka Itoobiya, ayaa maanta booqasho  ku tegay safaaradda Somaliland ku leedahay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

 

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa waxa safaaradda kusoo dhaweeyey safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, Ambassador Axmed Xasan Cigaal, ku xigeenkiisa iyo shaqaale weynaha ka hawlgala safaaradda.

safaaradda Somaliland ee Addis Ababa Biixi (2)

Safiirka Somaliland ayaa madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan qaabka ay safaaraddu u shaqayso, qorsheyaasha u qabsoomay iyo horumarka ay ka sameeyeen xoojinta xidhiidhka labada dal.

 

Madaxweynuhu waxa uu safiirka iyo guud ahaanba shaqaale weynaha safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya ku bogaadiyey sida hagar la’aanta ah ee ay qarankooda ugu shaqaynayaan, waxana uu ku boorriyey inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda.

safaaradda Somaliland ee Addis Ababa Biixi (1)

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wefti uu hoggaaminayo oo shalay u anba-baxay dalka Itoobiya, ayaa xalay kulan ballaadhan oo arrimo door ah lagaga hadlay la yeeshay Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo marti-qaad u fidiyey madaxweye Muuse Biixi Cabdi.

safaaradda Somaliland ee Addis Ababa Biixi (3)