Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Qaabka Xukuumadu Shilinka Somaliland Ee Qiimo Dhacay u Abaartay

“Waqtigii dawladdii Siyaad Barre ayaa alaabooyinka qaar laga madnuucay waddanka. Halkii ay ahayd in ganacsadaha alaabtan waddanka keena aan loo ogolaan inu dekada kala soo dego, ayaa isagii loo fasaxay. Balse dadkii uu ka iibiyey ee suuqa dib ugu sii dhex iibinayey ayaa ol’ole hor leh lagu qaaday. Waa taasi teediiye, Xukuumadeenii ayaa ku dhawaaqday inay xakamaynayso sixir-bararkan naafeeyey danyartii iyo xoogsatadii muruq-maalka ahayd, waxna ay ka qabanayso qiima dhaca ku yimi lacagtii waddanka. Halkii ay ka ahayd in la abbaaro shirkadaha maalin kasta samaysanaya doolarka been-abuurka ah, shacabkiina xoolahoodii kaga furtay tirooyinka hawada yaacaya ee bilaa dammaanada ah, Ayaan habayaraatee iyagii la soo hadal qaadin. Kuye ‘‘cilmi-baadhis baan wadnaa lagu ogaanayo saamaynta shirkadahaasi ay ku leeyihiin qiimo tirida Shilinka’’

Miskiin bay ku yaallaan miskaha mudane fuulaaye
Ka mildhaabe maal-qabe sharcigu soo ag mari waaye
Afka waa lagala meermeerayaa duul na muudsadaye
Waxba yaan la maqashiin dan-yare dood mudaahano’e
Waxba milil dushii yaan la dhayin eelka laga maagye.”