Abwaan Weedhsame Oo Gabay Baroordiiqa U Tiriyay Geerida Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faraax

weedhsameAbwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa waxa uu Gabay Baroordiiqa u tiriyey Geerida ku timi Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo doraad si heer qarana loogu aasay Magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo Caafimaad ahaan loogu qaaday.

Gabay Baroordiiqda ee uu Tiriyay Abwaan Weedhsame ayaa waxa uu ku bilaabay sidan:

Warkan xaada kiciyee xiskiyo maanka xadanteeyey

Warkan xagar sidiisii u muday xuubka dhegahayga

Warkan dhiillo xiintiyo naxdimo xoogle igu beeray

Wuu xijaabtay weeyaan rashiid xay la noqon waaye.

Ku xasuuso inu xoojin jiray kay ka xagal daacdo

Ku xasuuso inu xeerin jiray xaalka Gobi leeday

Ku xasuuso inu xeeban jiray goorta la is xaaqo

Ku xasuuso ruuxii xil GABA suu u xuganaayey

Dad ururiye lagu xoomi jiray meesha xaruntiisa

Ku xasuuso xayraan wax biday xeedho lagu deeqo.

Waloow ay xaq geeridu tahoo xaasha anan diidin

Nin ku xiga, walaal laab xalnaa, xaaduq lagu dhaato

Geerida xabaashaa wadnaha way ku xagataaye

Qalbiyohow xaqii baa yimee qaado xukun Eebe.

 

Thank you!