Abwaan Muuse Cali Faruur oo ka sheekeeyey Taariikhda Kheyriyada Hargeysa oo laga hirgelinayo Xarun Muhiim u ah Qaranka

 

Hargeysa (SLpost)- Abwaan Muuse Cali Faruur oo ka mid ah Abwaannada faca-weyn ku leh taariikhda Fanka Soomaalida, gaar ahaan magaalada Hargeysa, ayaa ka sheekeeyey taariikh uu goob-joog ka ahaa oo ay leedahay goobta ay ka dhisan tahay Kheyriyadii hore ee Hargeysa oo maanta laga dhagax-dhigay Xarunta Keydka Taariikhda ee Somaliland.

Abwaanka oo hadal ka jeediyey munaasibad uu madaxweynaha Somaliland ku dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Keydka Taariikhda oo laga binneeyey badhtamaha magaalada Hargeysa, waxa uu ka sheekeeyey muhiimadda taariikheed ee ay goobtaasi u leedahay in laga dhigo Xarunta keydka Taariihda.

Muuqaalka Hoose kaga bogo Hadalka Abwaanka