Abwaan Hadraawi Oo Soo Dhaweeyay In Marxuum Gaarriye Loogu Magac-daro Xarunta Afafka (Luuqadaha) ee Jaamacadda Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Abwaanka weyn ee  Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa si kal iyo lab ah u soo dhaweeyay in Jaamacadda Hargeysa laga furo Xarunta barashada Afafka iyo Dhaqanka oo loogu magic-daray Alle ha u naxariistee hal-abuurkii, halgamaagii, macallinkii iyo mufakarkii  caanka ahaa ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, waxaanu xusay in Gaarriye u qalmo in loogu magic-daro xaruntan iyo meelo kaleba. Waxaanu sidaas ku sheegay mar uu maanta Wareysi gaar ah siiyey laanta cilmi-baadhista ee  Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista ERA.

[DAAWO] – Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya oo SOMALI CHANNEL la yeeshay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)Abwaan Hadraawi oo cabbiraya aragtidiisa taas ku aaddan ayaa waxa uu yidhi, “Gaarriye waa mudan yahay in xarun, machad iyo jaamacadaba loogu maggu aac-daro, ummaddeenna waxa lagu dhaliili jiray inaanay aqoonnin qiime qofkaaga. Gaarriye-na wax bilaasha la siin maayo ee waxa la siinayaa kaalintiisii, waxtarkiisii iyo hadduu Alle ka dhigo wixii uu bulshada u qabtay oo lagu abaal-marinayaa.”

Abwaan Hadraawi waxa uu soo qaaday, “Markaa Gaarriye wuu geyaa in machadkaas (xaruntaas) lagu maamuuso. Aniga iyo Gaarriye laba qof maannu kala ahayne hal qof ayaanu isku ahayn. Muddadaa ku dhaw afartanka sanno ee waanu wada joognay masiirkayagu mid buu ahaa geeri iyo nololba. Geerina waanu qorshaynay inaanu qaddiyadda u wada dhimanno, nololna waanu wadaagaynay. Wuxuu ahaa ninka aan ugu aqoon badanahay dadka adduunka korkiisa joogo,” ayuu yidhi Abwaanka oo u warramayey Hal-abuurka Da’da yar, Macalinkana ah ee Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi).

Abwaan Hadraawi oo ka hadlaya sida uu uga soo qayb galay aaskii Gaarriye ayaa wuxuu ku tiraabay “Anigu wax kale maan tarahayne, geeridiisiina aniga oo Addisaba jooga ayaan baabuur dabada soo qabsaday (soo raacay) si aan aaskiisa u imaaddo. Markii dambena gabay baan ka tiriyay geeridiisa. Gaarriye haddii Alle ka dhigo igama dhiman ee wuu ii nool yahay. Geeridu waa xaq. Laakiin hadduu qofku magac iyo ragannimo kaga tago ifka wuu kula nool yahay. Ilaahay naxariistii janno ha siiyo Maxamed Xaashi Dhamac. Ummadda waxa xil ka saran yahay sidii loo xusi lahaa, doorkiisana loo siin lahaa, halkii loogu magac-darayana loo unki lahaa. Taas ayaa inala gudboon. Maanta waxa la ii sheegay Maxamed Xaashi Dhamac in halkan (Hargeysa) magaciisa meelo badan loo bixiyay. Insha Allaahu sidaas ayuun baa loo wadi doonaa”.

Somalilandpost.net/Hargeysa