Abwaan Hadraawi oo Abaal-marin Caalami ah Lagu Maamuusay iyo Daah-furka Buug Koobsanaya Qaybo Suugaantiisa ka mid ah oo Luqadda English lagu Tarjumay

Hargeys (SLpost)- Abwaanka Weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa xalay Magaalada Hargeysa lagu guddoonsiiyey Abaal-Marin Caalami ah oo Boqortooyada Dalka Holland sannad kasta ku maamuusto Shakhsiyaadka lagu Qaddariyo Aqoontooda Dhaqanka iyo Suugaanta.

Hadraawi

Munaasibad Xalay lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa Abwaanka Abaalmarinta Guddoonsiiyey Safiirka Dalka Holand u fadhiya magaalada Nairobi,  Ambassador Joost Reintjes oo ka wakiil ahaa Boqoradda Dalka Holand Prince Clouse.

Munaasibaddan oo si heer-sare ah loo soo Agaasimay, waxa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka kala socday Saddexda Gole Qaran, Abwaanno, Aqoonyahan, Wufuud caalami ah iy Marti sharaf kale.

hadraaw2Waxa ugu horeynba halkaas ka hadashay Wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo uga mahad celisay Boqoradda dalka Holand Abaal-marintan Caalamiga ah ee ay ku maamuustay Abwaan Hadraawi iyada oo sheegtay inuu Abwaanku kaalin mug weyn leh kaga jiro Suugaanta Dadka Afsoomaaliga ku hadla oo dhan. Marwo Samsam ayaa sheegtay iney iyaga Dawlad ahaan ay ku wacneyd iney abaal mariyaan Abwaan Hadraawi balse ay soo dhaweyneyso Abaal marinta Caalamiga ah ee Abwaan Hadraawi lagu maamuusay.

hadraawi4Ambassador Joest Reintjes oo madasha ka hadlay, sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ka soo qebgalka Xafaladdan lagu Abaal Marinaayo Abwaan Hadraawi. Waxa uu Safiirku sheegay inuu ilaa yaraantiisii xiiseyn jiray dadka Soomaalida ah.

Safiirku waxa uu tilmaamay inuu Abwaan Hadraawi ka mid yahay Hal-Abuurada  Caalamka ee ay Abaal Mariyeen kuwaas oo qeyb ka qaatay horumarinta bulshada iyo dhaqanka. Ambassador Joest ayaa halkaas ku gudoonsiiyey Abaal-Marintii  Caalamiga aheyd ee uu ka siday Boqoradda Dalka Holand isaga oo matalaya iyada.

hadraaw3Ka dib gudoonsiintii Abaal-Marinta, ayaa waxa hadalkii qabsaday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo halkaas si farxadi ay ku dheehantahay islamarkaana  niyad san Abaal-Marinta Caalamiga ah ee la gudoonsiiyey. Hadraawi ayaa sheegay inuu wax ku yahay Ummadda Soomaaliyeed ee uu Assal ahaan ka soo jeedo. Hadraawi waxa uu yidhi “ Alle ayaa mahad iska le, Allahaas oo I siiyey aragtida dheer  ee ka fog ku dhaqanka Qabyaaladda. Waxaan goostay inaan gogosheyda fidsado oo aan caalamka ku gaadho”.

Hadraaw6Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed waxa uu halkaas ku soo bandhigay qeybo ka mid ah Gabeygiisii Gudgude, beydadkaas oo tilmaamaya garashadiisa xeesha Dheer iyo in Afkaartiisu ay gaadho Aduunka. Hadraawi ayaa ku bogaadiyey Hal-Abuurka kale iney sidiisa oo kale da’daalaan si ay u helaan Abaal-marinada Caalamiga ah ee kale.

Hadraaw5Waxa kale oo halkaas ka hadlay shakhsiyaad kala duwan oo uu ka mid yihiin Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey) iyo Boobe Yuusuf Ducaale oo dulmaray qaybo ka mid ah Taariikh-nololeedkii Abwaanka, iyaga oo dhanka kale ku hambalyeeyey sharafta iyo magaca uu Abwaanku u soo hooyey umadda Soomaalida ah.

Sidoo kale, Munaasibaddan waxa lagu daah-furay buug ku Qoran Luuqadda Afka Ingiriisiga oo lagu soo koobay qaybo ka mid ah Suugaanta Hodanka ah ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

SOMALILANDPOST.NET