ABWAAN GAARRIYE: Dhinacyada Qarsoon ee Suugaanta! – W/Q: Mustafa Sh. Cumar ~ Q.3aad

Mustafe Geeddi
Mustafe Geeddi

Alle ha u naxariisto Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Macallinku waxaa uu ka baxay beesha caalamka oo dhan oo uu ka mid ahaa Af-yahankeeda. Halkan waxaan ku milicsan doonnaa,Qormooyin taxane ahaa oo aan Wargeyska Geeska Afrika oo ka soo baxa Hargeysa ku qoray laba sanadood horteed. Kuwaasoo aan ka wariyay khudbado Abwaan Gaarriye jeediyay.

Abwaan Gaarriye (Alla ha u naxariisto), waxa uu dhinaca kale aqoonta Afka iyo suugaanta Soomaalida ku muujinayaa kaalinta haweenku ku leeyahay nolosha iyo si gaar ah, suugaanta Soomaalida. waxaa uu tilmaamayaa in marka laga hadlayo xidhiidhka bulshada iyo halabuurka isugu tebiyaan hawraarta, uu aad ula fajaco hannaan Hooyo Soomaali ahi u dhigtay Tix ku abtirsata badaha Sitaadka, taas oo uu sheegay in ay iyadoo xaqdhawraysa fekradaha dadka ay la hadlayso oo ay dareensan tahay inay leeyihiin awood ay ku tafsiiraan waxa ay u soo jeedisay, ay haddana amar ku ridday dhageystayaasheeda; “Islaan aan u aqaanno Daaciyad, dadkan diinta fidiya ayaa waxaa la yaab leh farshaxannimada ay u isticmaashay farriinta ay gudbinayso iyo inta ay u dhaaftay dareenkeenna. waxay u dhaaftay dadkii hannaan ay uga qayb-qaadan karaan shaandheynta qodobbada ay ka hadashay. Waxay tidhi:
“Bal cirka tiir bir ah ka eeg,
Dhulka tolliin ku yaal,
Rabbiga taladaa leh baa
berri la hor tagaa!”

Aadamuhu saddex sababood ayuun buu u hadlaa, Mar waa xidhiidhin. Marna qofka aad la hadlayso ayaad ka doonaysaa wax kaa maqan in uu kugu kordhiyo oo waa su’aal! Marka saddexaadna, adiga ayaan wax kaa maqan kuu sheegayaa, marna amar ayaan ku siinayaa oo waxaan ku leeyahay’ waxaas yeel’

Hooyadani, waxay qaadatay amar oo waxay ku tidhi, bal cirka tiir Bir ah ka eeg. Waxa kale oo aad ka eegtaa inuu tolliin leeyahay. Marka aad intaas eegto, wax baa kaaga soo baxaya, taasna waa ay ogtahay oo ma ay faragelin, waxay ku tidhi markaa ka dib, Rabbiga taladaa leh’ Taladee’ Dee taas aad aragtay! Hadda adiga iyo Islaantu kama aydaan doodin talada ay sheegtay laakiin adiga ayay kuu deysay, rabbiga taladaa leh ayaa berrina la hor tagaa. Haa. Waxay ixtiraamtay caqliyaddaada fekerkaaga iyo garaadkaaga intaba. Waxay aqoonsan tahay inaad tahay qof nool oo caqli leh, isla markaasna, haddii wax loo sheego, wax badan oo aan loo sheegin ka soo min-guurin kara intaas loo sheegay! Waa heerka ugu sarreeya ee Suugaanta loo isticmaalo.” ayuu yidhi Gaarriye. Af-maldahane, Ekeeye iyo amuuro badan oo suugaanta dhinacyadeeda qarsoon ka mid ah ayaa jira oo Abwaanku siyaabo badan u sharraxay Barnaamijyadaas aynu ka xiganay.

FG. Qormooyinkan aan sannaddo ka hor baahiyay intii ay socdeen, waxaan qaybta Cilmiga ah ee Suugaanta iyo gudbinta Gaarriye ka sheekaysannay Maxamed Saleebaan Cumar oo markaa ku jiray Jaamacadda Hargeysa. Islamarkaana, lana socday taxanahan. Durba waxaa uu ii soo qaddimay maqaal iska dhan oo uu si hufan oo heer sare ah u soo dhigay, kaas oo uu kaga turjumayay aqoonta ay ka kasbadeen macallin Gaarriye iyo dabcan suugaanyannada kale ee dugsiyada aas-aasiga ah oo qudhoodu dedaal badan muujiyay. Wuxuu ku bilaabay Maxamed, sida tan:

Mustafe Sheekh Cumar Geedi Cashuur

Email: ciwaankamustafa@gmail.com

La Socda Qeybaha kale oo aad u xiisa baddan…………