Abwaan Caaqil Bulbul Cabdi Madoobe oo ka hadlay Geerida Marxuum Axmed Xasan Cawke

Anigoo ah Abwaan Caaqil Bulbul Cabdi Madoobe waxaan halkan tacsi uga dirayaa Ehelkii, qaraabadii, Asxaabtii, bahda Saxaafadda, Shacabka Somaliland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, anigoo ka tacsiyadaynayaa Geerida Ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Cawke oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga, maantana lagu aasay Togwajaale.
bulbulAlle ha u naxariistee Marxuumku wuxuu ahaa nin aanu Saaxiibtinimo durugsan wadaagnay. Waxaan Eebbe uga baryayaa Naxariistii Janno inuu ka waraabiyo Marxuumka, dhammaan Ehelkii, qaraabadii, Asxaabtii, Bahda Saxaafadda iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedba samir iyo iimaan ka siiyo.
Â