Abwaan Abees oo ka soo dhex-muuqday Shirweynaha Xisbiga Kulmiye iyo Muuse Biixi oo ku soo dhaweeyey

Boorama (SLpost)- Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo muddooyinkii u dambeeyey u xidhnaa xukuumadda Somaliland, ayaa maanta ka soo dhex-muuqday Hoolka uu ka socday Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee magaalada Boorama, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin halka sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi uu ku soo qaatay Khudbad uu ka jeediyey madasha shirka maanta.

 

Abwaan Abees oo shalay laga sii daayey Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa kaddib markii lagu waayey eedo loo haystay oo ku saabsanaa inuu Aflagaaddeeyey xukuumadda kaddib markii uu tiriyey maanso ka hadlaysa xaaladda dalka ka jirta.

 

Haddaba, Muuqaalkan Hoose ka daawo Faahfaahinta Warkan