Abu Khaled al-Suri Oo Kamid Ahaa Sarakiisha Ugu Saraysa Ururka Al-Qaacida Oo Lagu Dilay Dalka Suuriya

Aleppo(SLPOST)Sarkaalkii ugu sareeyay xoogaga ka dagaalamaya dalka Suuriya kana mid ahaa sarakiisha sar sare ee   Al-Qaacida hoggaamiyana ka ah mid ka mid ah ururada jihaadiga ee ka jira Suuriya ayaa lagu dilay magaaladda Aleppo,

abu kh- suri

kadib weerar is qarxin ah oo ay fuliyeen laba nin oo ismidamiyay. Abu Khaled al-Suri iyo tiro kale oo ka mid aheyd ilaaladiisa ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen.

Wararku waxay sheegayaan in weerarkan laga yaabo inay ka dambeeyeen dawladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Sham ee loo yaqaano ISIS ISIS ayaa qaaday weeraro ka dhan ah kooxaha xafiltanku kala dhaxeeyo ee ka dagaalama waddanka Suuriya.

Kooxda Ahrar al-Sham ayaa ah garab hubeysan oo xagjir ah, kuwaasoo qeyb ka ah garabyada awooda ah ee ka mid ah 7-koox oo ku midoobay Islamic Front. Sarkaalkan lagu magacaabo Al-suri ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa nin aad ugu ahaa wakiil ururk Al-qaacida, waxaana uu aad ugu dhow yahay Ayman Al-zawaahiri. Al-suri oo magaciisa dhabta ah Muhammad Bahaiah waxaa la rumeysan yahay inuu si dhow ula soo shaqeeyay Hogaamiyihii hore ee Al-Qaacida Osama bin Laden.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland