Natiijada Kulan Dhexmaray Wasiirro ka socda Somaliland iyo Wasiirro ka tirsan Dawladda Imaaraadka (Sawirro + Video)

Abu Dhabi (SLpost)- Weftigii Xukuumadda ee uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Abu Dhabi Kulamo kula qaatay Masuuliyiin Sarsare oo ka tirsan Dawladda Imaaraadka Carabta oo ay Safar ku joogaan.

Kulanka wasiirradaWeftiga oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo isagu hore ugu sugnaa iyo Maareeyaha dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa la kulmay Wasiirul-dawlaha wasaaradda Arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Mohamed Gargash iyo Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda u qaabilsan dhinaca arrimaha Ammaanka iyo ciidamada Faris Al-Mazroui.

kulankaKulankan ayaa masuuliyiinta labada Dhinac kaga wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan Horumarinta iyo casriyaynta Dekadda magaalada Berbera.

Waxa kale, oo ay masuuliyiinta labada dawladood kulamadoodaasi ku faaqideen sidii Ganacsatadda wadanka Imaaraadku ay ugu soo dhiiran lahaayeen sidii ay u maal-gashan lahaayeen Somaliland gaar ahaan casriyaynta iyo balaadhinta dekedda Berbera.

kulanka wasiirrada_ImaaraadkaWasiirka Arrimaha Debedda iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ayaa shalay gaadhay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ka dib markii ay Dalka Jabuuti kaga qayb-galeen Jinaasaddii Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Jabuuti oo todobaadkan ku geeriyooday magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, Halka Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland uu todobaadkan bilowgiisii uu Safar ugu kicitimay dalka Imaaraadka oo uu kaga qayb-galay Shir lagaga hadlay baahida Mustaqbalka loo qabo suuqyo cusub oo laga helo Tamarta ay isticmaalaan wershadaha iyo Gaadiidka Adduunka. Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Xoor-xoor, ayaa gaar ku ahaa socdaalka uu ku tagay dalka Imaaraadka oo Xubnaha Weftiga xukuumaddu ay dalkaasi kala xaajoonayaan horumarin iyo Casriyeyn lagu sameeyo Dekedda magaalada Berbera.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA KULANKA MASUULIYIINTA LABADA DAL

SOMALILANDPOST.NET