Waxa ay soomaalidu isla qirsan yihiin cidhib xumada ay qabyaaladdu leedahay iyo raadkeeda ba’an ee ay dad nimada iyo damiirka nool ku reebto. waxa sidoo kale la isla qirsan yahay in ay qabyaaladda iyo aaminsanaanta qabiilkaba ay diinteenna suubbani meel fog iska taagtay.Soomaalida waqti ka hor iyo guud ahaan jiritaankeeda inta la ogyahay illaa dawladnimo, qabyaaladdu way lasoo reergashay, dawlad dhalatay oo soomaali u soo baxdana kolkii qabyaalad lagu anqariyey, ayaa isla natiijadii midnimanaduna waxa ay inoo soo gaaxatay dambar qabyaaladeed.
Dawladnimo wixii inoo xigayna waxa uu ahaa bur bur, gumaad, iyo gaydhan dirireed oo haqley badani ku le’deen. Intaa ka sakow waa tii loo hangagaaray dalal shisheeye oo qalaad.
Soomaalidii kolkaa qurbaha tagtay kumay cibro qaadan horumarka ballaadhan ee ay sameeyeen dawladaha ay qaxoontiga ka ahaayeen. balse intay uubab9 hoose kolayo qaad ah dhigteen ayey halkoodii ka miiseen falanqayntii reer hebel.
Rif rifkii dalka kusoo hadhay ee iyagu ka samatabaxay colaadihii sokeeye kamay fikirin kumanay fikirin in ay iyagu is taakuleeyaan, is garab galaan oo ay dhibtii xilka lahayd ee ay soo mareen duruus ka bartaan. sida darteed waxa Iyana halkaa inooga cad, in aanay ummadina horumar gaadhi Karin iyada oo aanay noloshii aasaasiga ahayd ee dawladnimo weli dhidibbadii loogu talo galay u aasmin.
Isku soo wada duuboo tixdu waxa ay tibaaxaysaa in ay qabyaaladdu tahay ta ina dhaxalsiisay meel kasta oo aynu tagno in aynu iyada uun falanqaynno, iyadu uun ku foogganaanno, qayrkeen iyo adduunka kalena kaga mashquulno. Gabayguna waxa uu soo baxay taariikhdu markii ay ahayd 12/09/2013 wuxuuna yidhi:
Aar joog nin joogiyo halkiyo udubaddii faayo
Albaabada togdheer iyo berbera awdal iyo faafan
Awaariyo higlada loo dhixiyo rabaso oosheeda
Ugunji, ilinkii shawiyo agabar hoosteeda
Afka laasadaar iyo saraar, idhanka buuhoodle
Oogaha sanaag iyo taleex abablihii buurta
Belli gubadle ooggiisa bidix aradki gaaroodi
Baydhaba agteediyo jubbiyo oollimada xeebta
Irdiheeda muuqdiyo intaan eraygu saameelin
Ingiriis haddaad joogtid iyo aradka noorwiijka
Arrinkiinu soomaaliyeey waa ab iyo beele
Adhaxdana qabiil baydin jaray labada oofoode
Is inkiridu waa waxa indhaa awday oo xidhaye
Wixii idinku aynfadayee idin alhuumeeyey
Idinkoo arkaayaad hadana orod ku dhaaftaane
Abley iyo colaad baa ku maran unugyadiinaase
Afka kama idlaysaan xantiyo eray xunkeediiye
Idinkoo islaam sheegtay baad kala ordaysaane
Ableey looma qaateen dhallaan lama ableeyeene
Unuun lama jareen maalin qudha kuman arwaaxoode
Agoomuhu ma jiifeen derbiga loo abaal dhacaye
Aradkuna ma kala qaybsameen abih daraadiiye
Awawyaal makala sheeganeen aasan oo go’aye
Aynigeen kamaynaan hadhneen wahe adduukiiye
Awaaraha ma jiifneen dadkoo oogsadoo kacaye
Aramidu ma jiifteen qalbigan ooyey ficilkiiye
Ilaahay haddaad garanaysaan hayna oodina’e
Uub waa qabyaalade hadday idin alhuumayso
Anafiyo colaad bay shiddaa laysku aynabo’e
Uurkutaalladeedaa nafluhu kala irdhoobaaye
Inta naar afuufiyo xunkay ehel wadaagaane
Eelbay ku reebtaa qalbiga udufyo naareede
Istiqfaarta badiyoo nimcada eebbe ku xasuusta
Amniguna danteennuu yahee aaminimo sheegta
Adduuyaduna waa guuraysaa aayadaha qeexa
Ehelkii rasuulkaynu nahay qawmki aaminaye
Abshir dhaha intii raacdayeey waad aflaxaysaane
W/T: Rashiid Khadar Jaamac “Halac”
Email : h-halac@hotmail.com