Abaan Duulaha Ciidanka Somaliland Oo Sheegay inuu sii Xoogaystay Khilaafkii u dhexeeyey Taliyaha.

Hargeysa (SLPOST) Abaan-duulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Cabdilaahi Xaaji Jaamac(Calas) ayaa sheegay inaan wax horumar ah laga gaadhin khilaaf hore u soo kala dhex galay Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale. Abaan-duule Calas waxa uu sheegay inaan Guddi madaxweynuhu u saaray waxba ka qaban khilaafka u dhexeeya Taliyaha oo ku saabsan arrimo sharci.

 

 Abaan-duulaha

“ Anigu waxaan ahay iska dhar-cad oo dadkayga ayaan iska dhex joogaa, sidaas ayaanan ahaanayaa inta khilaafka la xalinayo. Khilaafkii iyo arrimihii sharci ee aanu isku haynay Taliyaha waa sidii waanay ka sii dareen. Guddi Madaxweynuhu u saaray khilaafku waxba may xalin cid dhexdhexaadin wadana ma arag hadda, guddidaasina aniga mar ay ii yimaadeen waan u sheegay sidii wax u jireen.” Ayuu yidhi Abaanduulaha oo Xalay la hadlay u waramay Warbaahinta Qaar.

Abaan-duulaha Ciidanka Qaranka oo ka hadlaya waxa uu ka yeelayo khilaafkan waxa uu sheegay inuu madaxweynaha ka war sugayo, go’aanka uu gaadhana aqbali doono. Waxa uu sheegay inaanu wax istiqaalad ah dhiibayn hadda. “ waxaan go’aansaday inta uu xilka hayo Madaxweyne Siiraanyo inaan wax istiqaalad ah dhiibin, waxaanan ka dhur sugayaa waxa madaxweynuhu ka yeelo khilaafkan sharci.” Ayuu sheegay Mudane Calas.

Sareeye guuto Cabdilaahi Xaaji Jaamac Calas ayaa dabayaaqadii Bishii January ee sanadkan sheegay inuu xabsi guri ku xidhan yahay, isagoo tilmaamay in amarka xadhigiisa uu bixiyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wakhtigaasi oo Madaxweyne Siraanyo dalka ka maqnaa. Xabsi gurigaasi oo uu mudo ku jiray ka dib ayaa la