Aayado la yaab leh iyo mabaadi’ muhiim kuu ah

Suurat Qaaf, Aayadda 36aad – 45aad, waxay ahaayeen aayadihii aanu saaka rakcaddii labaad ku tukanay.
Macnaha aayadahan iyo aqoonta ay xambaarsan yihiin, aan si guud u fasiro: “Imisaanu quruumo hore oo kuwan ka awood badan halignay, dhulkay camireen oo dhiseen, hase yeeshee markay Alle beeniyeen awooddoodii waxba uma tarin , meel ay u baxsadaanna may helin” taariikhdu waa aqoon iyo cibro qaadasho.

“Arinkaasi wuxuu waano iyo cibro u yahay mid weelayn leh qalbigiisuna joogo”- Dhugasho fiicani fahmo tolmoon bay dhashaa, mabda’aas aayaddan ka dheego.

Alle wuxuu leeyahay “Waxaanu samooyinka todobada ah, dhulka iyo waxa u dhexeeyaba ku abuuray lix maalmood, wax daal ahina nagama soo gaadhin, u dulqaado af xumadooda, Allena mahadintiisa ku tasbiixso cadceed soo baxa ka hor iyo dhicisteeda ka dib, habbeenkii iyo salaadaha dabadoona Alle xumaanta oo dhan ka nasah” Xuska Alle iyo cibaadadiisu waa sahayda qalbiga ee cidhiidhiga nolosha iyo stress ka lagaga baxo, cadowgana looga guuleysto- Mabda’ qur’aani ah.

“Dhegayso – qalbiga ka dhegayso- maalinta meel dhow yeedhuhu uga dhawaaqi doono ! Oo suurta la afuufi doono, maalintaas qaylada si dhab ah ayey u dhegaysan doonaan- illayn maanta way ka dhego la’yihiin waanadae-, maalintaasi waa marka laysa soo saarayo, annagaa wax noolayna waxna dilla xaggayagana waa loo soo laabanayaa, maalinta qabriyadoodu dhilaaci doonaan, iyana ay iyagoo degdegaya ka soo boodi doonaan, si ay dhawaqa u ajiibaan, taasi waa soo saarid annaga noo fudud, waanu ogsoonahay waxay dhurayaan – ee afxumo iyo jahli ah- adigu ma tihid mid qasbaya – oo hanuunka qalbigooda gelinaya- quraanka adigu ku waani kii wacdigu cabsi gelinayo- ee qalbigiisu nool yahay-” quraanku waa shayga ugu fiican ee wax lagu waaniyo- kaasina waa mabda’ dacwadeed.

Alle fahamka iyo camalkaba ha kuu toosiyee aamiin dheh.

Cabdiqani Xuseen