Aamusnaanta Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen Iyo Hadal Badnida Faysal Cali Waraabe Waa Laba Aan Is Qaban – W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

RakadJamaal noqo musharax  siyaasada iyo saadaasheeda kaw ka ah hadaad rabtid mustaqbal wanaagsan jeceshayna inaad kaga dhabayso hiigsigaaga,himiladada, hogaankaaga iyo waxqabadkaagaba……//!

Waxaan in badan maqlaa faysal oo cid un weeraraya waxan in badan arkaa faysal oo in badan isna la weerarayo  , siyaasada faysal iyo dawlada oo cirka maraysa  sababtayna in siyaasada maantu noqoto mid  waxwalba lagu hadlo, Jamaal cali xusen waa nin dhalin yaraa oo aqoon yahan ah, waa nin wax qaban kara  hadduu ku guulaysto doorashada madaxweynaha laakin taas waxa ka daran sidaan Jamaal u aqaanay maaha imika xaaladiisu  , waxaanay igu noqotay fajac iyo amakaag Jamaal cali xuseen oo afkiisa hadal mucaaradnimaa laga wayay , tolow muxuu damac san yahay, tolow ma hadalkuu wakhtigiisa la sugayaa , mise wakhti uu ku  hadlo ayaanu hayn, ta kale Jamaal muxuu awoodii hadal u wada siiyay gudoomiyaha xisbiga ee  faysal cali waraabe.

XAQIIQDU siday u muuqatao waxay ila tahay faysal iyo Jamaal waa laba nin oo mid yahay musharax midna yahay gudoomiye sidaa darted waxaan u malaynayaa in aanay siyaasada labadoodu  waa faysal iyo jamaale aanay ahayn mid ay isku taageersan yihiin, waana mid lagu kala fikir duwan yahay .

Runtii haddii laba qof oo isku xafiis fadhiyaa ay wada shaqayn waayaan, ma jirto wax shaqo ah oo guul laga gaadhayaa ama wax shaqaa oo sidii loogu talo galay u soconaysa.

  Jamaalaw  waxaad tahay nin xidig ah oo dalkan iyo dadkanba maarayn kara hadduu awood u helo laakin intaa ka hor waxa lagaaga baahan yahay inaad siyaasadaada mustaqbal aad galka seefta kala baxdo oo aad dadkan iyo dalkanba tusto wixii rajadaadu tahay  iyo in wixii qalada ee aad dawlada , shacabka, iyo cidkastaba aad ku aragto aad sharaxdo maadaama aad tahay madaxweyne la sugayo ,kana bixisid aragtidaada guud, tusaale ahaan maanta waxa dalka ka buuxda shaqo la,aan baahsan taasna wali xal  ama wax qorshe ah oo ilaa imika aad soo bandhigtay ma jirto.

 Runtii anigu waxaan ahay nin dhalin yaraa dhalin yaraduna sidaad ogtahay waa cida ugu badan eeku taageersan,laakin dhibaatada ugu wayni waxay ka timi dalkiina ma joogtid inta badana siyaasadiina kuma jirtid kamanaad  bixin.

JAMAAL Waxa lagaaga baahan yahay in adiga iyo faysal cali waraabe aad isku noqotaan laba meel ka soo wada jeeda ama isku taageersan hadalkasta oo idinka imanaya, waxkasta oo aad ka hadlaysaana uu noqdo wax caqli gal ah oo aad u haysaan xaqiiqdiisa , inaad noqotaan laba isku mawqif ah, isku aragti ah . maalmahan dambana waxaan aad u arkayay sxbkaa faysal cali oo si kulul loo weeraray adna aad ka aamustay . taasna lagagama baahna oo waxaad tahay halka ugu saraysa ee la salaaxanyo marka la jooga xisbiga ucid.

 Jamaal noqo nin siyaasada iyo saadaasheeda kaw ka ah hadaad rabtid mustaqbal wanaagsan jeceshayna inaad kaga dhabayso hiigsigaaga,himiladada, hogaankaaga iyo waxqabadkaagaba.

Noqo mid Xal  u heli kara waxkasta oo xal u baahan waayo dalkan cidi kaama xigto cidna kaama jecla ee adigu ha iska aamusin.

Wabilaahi tawfiiq

N.B

MUDANE JAMAAL intaas iigaga qaado hadalo iskugu jira canaan , talo iyo dhiiri galin , waxaanan kaa codsanayaa inaanad u arkin in aan kaa gudbinayn xumaan ee ogow inaan ahay aqoon yahay adi shaqsi ahaan kuu taageersan , Waxaanan kuu rajaynayaa inaad gaadho hiigsigaaga, himiladaada, hamigaaga, iyowaxkasta oo aad awood u leedahay inay kuu rumoobaan.

Farhan Mohamed Hassan Sultan Nur (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com

TELL: 252263–4400319

 Hargeisa

Social activist

Thank you all

Post number:  RP47