Dhamal (SLpost)- Deegaanka Dhamal ee degmada Daarasalam oo ayaa si aan hore loo arag ay muddooyinkan dambe si xawli ah uga socdaa ganacsiga dhuxusha oo dabar gooyay geed weyntii iyo kaymihii faaiidada badnaa ee dhul daaqsimeedka Dhamal.
Deegaanka Dhamal oo ahaa dhul daaqsimeedka ugu habboon woqooyiga Hargeisa ee dhaw ee u dhexeeya Illinta-dhexe, Illinta-bari iyo Balligacas ayaa baryahanba ay si xawli ah ama aan hore loogu arag deegaankaas uga bilaabantay aafada deegaanka ee dhuxushu. Wariyayaasha shabakadda Bulaxaarnews ayaa kadib codsiyo uga yimi xubno ka tirsan dadka waxgaradka ah ee xoola dhaqatada deegaanka, ugu baxay safar shaqo oo ay ku soo mareen meelo ka mid ah deegaanka Dhamal iyo sida uu uga socdo hawlgalka dhuxushu.
Dhuxulaysatada ku jirta deegaanka Dhamal oo dadkii aannu waxka waydiinnay ay noo xaqiijiyeen inay gaadhayaan 100 nin oo koox koox u hawlgala ayaa dagaal ba’an iyo gumaad ku haya dhammaan noocyadii geed weynta ee deegaankaas ee galoolka u badnaa, qudhaca iyo noocyada kalena lahaa. Sida qaybo ka mid ah deegaanka Dhamal uu caanka ku ahaa, waxay xataa gubeen geedihii carmada meelaha qaar ku gudbanayd ama qarinaysay geedweynta si ay meel bannaan uga helaan galoolka ay gumaadayaan.
Dhuxulaysatan ayaa dabka ka sokow, sidoo kale istimcaalaya faashash waaweyn oo si dhakhso ah geedka u jaraya iyo qaabab casri ah oo ay geedaha qoyan ganacsi ahaan usoo geliyaan Hargeysa. Marka ay geedka gubaan ama ay gunta ka jaraan ee uu dhaco, waxay ka reebaan caleenta iyo laamaha yaryar oo kaliya waxanay xaabo ahaan iyo sarab ahaan usoosaaran gadiidka iska rogooyinka iyagoo hareerahana ka xigsiinaya qoryo engagan si aan loo arag marka ay magaalada soo galayaan. Sidoo kale, waxay dadka qaar noo sheegeen inay u isticmaalaan naafato ay mariyaan nabarka qoyan ee jirridda geedka hadhay iyo qaybaha ay sidooda u qaataanba si loo moodo gubad hore marka ay dabayshu ku dhacdo si ay u qariyaan.
Ma jiraan adeegyo bilays waxka qabta dhibaatadan haddiiba ay dadka qaar u dacwoon lahaayeen waayo ma joogo ciidan bilays deegaanka Balligacas, Illinta-dhexe, Illinta-bari, Beeyo-baxday iyo deegaanno kale oo ku dhawba, waxana ugu dhaw bilayska jooga tuulada Daarasalam ee xarunta degmada Daarasalaam oo meelaha dhuxusha laga shidayo ee Dhamal qaarkood u jirta inka badan 60km. Waxay noosheegeen dadweynaha xoola dhaqatada ah ee Dhamal inaanay wax bilays ahi uga iman xarunta degmada iyo meel kale toona.
Kooxaha dhuxulaysatada ah ayaa naloo sheegay inaanay qaarkood ahayn muwaadiniin balse loo soo kiraystay ganacsiga dhuxusha iyagoo ka garab shaqaynaya qaar deegaanka u dhashay iyo sidoo kale inay qaarkood ku xidhanyihiin kooxo ka ganacsada dhuxusha oo Hargeysa deggan kuwaasoo sii maalgeliya dhuxulaysatada baabiinaysa deegaanka iyo meheradaha moofooyinka ee roodhida sameeya oo ka iibsada noockasta dhirta qoyan.
Waxa kale oo ay dadka xoola dhaqatada ah iyo odayaasha aannu la kulannay noo sheegeen in aafada dhuxusha ay u weheliyaan dad kale oo meelaha qaar oodanaya dhul daaqsimeedkii la wada lahaa ee ka caaganaa beeraha taasoo ay ka digeen odayaashu inay xaalad isku dhac abuuri karto haddii aan waxba laga qaban.
Deegaanka Dhamal ayaa ahaa boqcadda kaliya ee u bannaan xoolaha woqooyiga Hargeysa oo gaar ahaan xilliyada guwaadda iyo kulaylaha ay aad ugu nasan jireen gaar ahaan dadka xoola dhaqatada ahi, sidoo kalena xoolalayda deegaanno ka fogfog oo koonfurta Hargeysa iyo meelo kaleba ahi ku kulmi jireen, haseyeeshee, ay aad u naafaysay aafada dhuxusha laga shidayaa.
Sidaa darteed, waxannu ugu baaqaynaa Wasaaradda Horumarinta Deegaanka & Horumarinta Somaliland iyo dhammaan hay’adaha dawladda ee arrintani khusayso inay waxka qabtaan hawlgalka ganacsiga dhuxusha ee dabar goynta dhirta iyo gumaadka kaymaha Dhamal ee woqooyiga Hargeisa.
Xigasho:
Axmed Cumar Sanyare
Bulaxaarnews.com