Aadan Dhoolayaroow, Ma Idaacaddii Ii Dhehda ayaad ku Biirtay – W/Q: Maxamuud Carraale

Ku tigaalimayo oo u jeeddadaadu wa iska macruuf ,  waxaase  fiicnaan  lahayd in aad haddii aad Adan Dhalayare tahay in aad  dib isu qiimqyso inta aanad  oodhan shadaan baad Golaha Wadatashiga aanad dhaleecayn  masuuliyiinta ku dhawaaqdayna anad wax ka sheegin  oo  anad odhan  shaydaan  ingu soo dhextuuray golahan muwaadinintii gudoiyo dabadba lagu diirsaday ee bisha barakaysan ee eblayskii la xidhay illaahay ka dhawaajiyey  masuuliyiinta in ay xaqa umadda ku adimaan. `

Adanow bal raadkagii dib u yara raac  aad ogaatid in aad degdegtaye, marka koowaad  Ahmadow waxaad wasiir ka hayd dawladii Maxadweyne Riyaale waxaanad afkaaga ka qiratay in aad hantidda  dalka urursatay  mar aad lahayd  hanaloo daayo  dawladda  anaaga imika sidii gofanaa dheregnay  oo aan  oon qabine.  Markaas qofba qofkiisa ayuu u hiiliyaa ee waxaad caddaysay in aad  xaqdarradda iyo boobka dalka  aad tifacayso.

Ta labaad Adanow balqabsow urur baad musharaxa labaad  u hayd  haddanna   sacadii ugu danbeeyey ayaa tidhi  golaha degaanka Hargeysaan u taaganahay taasi waxay caddaynaysaa in siyaasaddii asqo  kaaga dhacday oo aanad odoros samayn Karin Golaha Wadda tashigana aanad naqdiyi karan sax iyo khaltoona. Waayo adigaaba meeshaad iyo sidaad wax u doonayso ay kaa khaldanaayeen.

Ta saddexaad waxaad dawladdan kulmiye ugu hiilisidba ma yaalan  imika ee waxaad ahayd in aad sida raga xilalka ka helay goor hore jidkoodii marto intii wararka isku shandhayntu lala wareegayey ee lakala shaqaysanayey, imika se warkaagu cidluu ku dhacay  oo taageeraddau waa afku xuuble rajo ku neefsi ah.

Gebagabadii waxaan ku odhan laa golaha aad meel ka dhaca ku samaysay  xaal sii . Bini aadmibaad tahay oo waad khaldami kartaa ama badheedh bayba kaa noqon kartaa adoo dan lehe.

Mohamoud Arrale
arrale3@yahoo.com