80-jir Madaxweyne Siilaanyo uga Ashkatooday Dhac ay u geysatay Hay’ad ka mid ah Xukuumaddiisa iyo Wacad-fur uu kala kulmay Saleebaan-Gaal

“Madaxwayne, Waqtigii Cabdiraxmaan Tuur, waa tii aynu Meel Wada Seexan Jiray” Waayeel Cabasho U Gudbinaya Madaxwaynaha JSL

Hargeysa (SLpost)– Maxamuud Maxamed Xuseen (Jaahuur Curaagte) oo ah Siddeetan-jir ku dhaqan magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, ayaa madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo uga dacwooday dhul uu ku leeyahay Agagaarka Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera oo uu sheegay in Maamulka Haamaha Xoog kagala wareegtay, isla markaana ay dayr ku wareejisay.

JaahuurMaxamuud Jaahuur oo warbaahinta soo gaadhsiiyay Warqad uu ku socodsiiyey madaxweynaha Somaliland uu arrintaasi kaga cabanayo, waxa uu sheegay in dacwadda uu qoraalkan madaxweynaha ugu gudbinayaa ay sababta ka dib markii hay’adaha kale ee dawladdu ka dhegaysan waayeen cabashadiisa.

Qoraalka uu ku socodsiiyey madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan:

“Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

U jeedo: Gudbin Cabasho Dhul

Mudane Madaxweyne, aniga oo ka mid ah odayaasha gobolka Saaxil ee Berbera, magacayguna yahay Maxamuud Maxamed Xuseen (Jaahuur Curaagte) waxaan halkan kuugu soo gudbinaya arrin aan kala maarmi waayay in aad ogaato ka dib markaan waayay cid mas’uul ah oo ka sokaysa iga dhegaysta igana qanciisa arrinta waana sidan:

  1. Waqtigii C/raxmaan “Tuur” waa tii aynu meel wada seexan jiray aniga, adiga iyo Suleymaan Maxamuud Aadan (Guddoomiyaha Guurtida) ayadoo aynu ku hawlanayn ama ku jiray dib u heshiisiintii Somaliland ee beelaha beriga, horena si wacan baynu isu naqaanay oo hawlo guud ee dalka ka wada shaqaynay.
  1. Waxaan magaaladda Berbera ku lahaa dhul ii cashuuran, dhisan, sharcigiisu ii dhan yahay oo dhisme, biyo iyo berked iyo seesba leh ku lahaa Berbera mudo ka badan 31 sano. Dhulkaas maamuladii kaa horeeyay laga soo bilaabo Tuur ilaa Rayaale cidi iguma soo weerarin wax aan is idhaahdo ma gaydidna ilma soo doonan.
  1. Waxaa nasiib daro iyo qaadan waa noqotay in maanta Dawladda aad hogaamisa dhulkaygii iga qaaday dayr ku wareejisay ogaysiin la’aan ayagoo ku andacooaya waxa leh dhulka Haamaha Keydka oo aan ii dhoweyn, weligoodna meesha aan aniguna degana, meeshayda. Qaynuunka islaamka iyo diinteena, kan caabka iyo kan dalkeena waxaa ku taal in la ilaaliyo hantida dadka iyo naftoodaba ay u helaan nabad iyo deganaansho hase yeeshee, iska qaata oo booba lama arag lamina maqal meelay sharciga kaga jirto. Waa xadgudub xuquuqdii qofka ku ah, gef xanuun badan marka inta hantida la dhaco aad weydo cid dacwad ka dhegeysata ama u dacwootaba.
  1. Waxaan ergo u dirtay saaxiibkeen Sulaymaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtida jawaabtii iiga timidna waxay noqotay ha ii keenina Jaahuur oo aan iga qabanayn kana filayn ergada Suleymaan waxaan ula jeeday oo kale in si fudud oo dareen lahayn aad u ogaato dhibtan si haboona loo xalayo arrinta mase noqon waana nasiib daro.
  1. Haddii dawladu dhulkaygaas dan guud uga baahato, waa arrin dhaca, has yeeshee dawladda arrimaha noocaa iskama boobto ee waxay qofka siisa xaqiisa wax u qalma, aniguna taas haddii ay jirtay waan aqbalayaa, waxaase aanu aqbalayn ama aqbali doonin in layska dayrto hantidayda iyadoo aan laygu qancin iib ama wax la mid ah oo hantidaydaas u dhigma.
  1. Waxaan Madaxweyne kaga baxaya hadalkan in si adag loogu fiirsado mas’uuliyinta qaranka ee shacbiga iyo dawladooda ka dhex aburaya nacaybka iyo fidnada ayaa la’aanta u horseedaysa.”