Maxkamada Gobolka Hargeysa oo xukunno Ku Ridday Lix Qof oo lala xidhiidhiyey Argagixiso, Qaar kalena Xorriyaddooda u soo Celisay

Hargeysa (SLpost) Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo bilihii ugu danbeeyey qaadaysay kiisas lagu xidhiidhinayey Argagixisnimo ayaa toddobaadka go’aamo ka soo saartay lixdii qof ee ugu horeeyey ee lagu Eedaynayey danbiyadaasi.

Maxkamada Gobolka

Lixda Xubnood ee Maxkamaddu Dacwadooda soo af-jartay ayey afar ka mid ahi ka tirsanaayeen Hay’adda Sirdoonka Qaranka, halka labada kale ay ahaayeen dad shicib ah, waxaanay xorriyadoodii u celisay afarta ka tirsanaa Sirdoonka oo ay go’aamisay in danbi lagu waayey.

Xubnaha Sirdoonka ka tirsana aee la sii daayey waxa ay kala yhiinMaxamed Ibraahim Salaad, Naasir Muuse Yuusuf, Naasir Xasan Ibraahim iyo Khadar Daahir Jaamac

Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay xukuno shan sano iyo toban sano ah ku riday labada eedaysane ee kale, kuwaas oo ay sheegtay cadaymaha Maxkamadda la hor keenay in ay yihiin kuwo muujinaya Danbiga loo haystay oo ay ku eedaysnaayeen.

Xubanaha ay xukuntayna waxay kala yihiin C/samad Xuseen Cabdi oo toban sano ay ku xukuntay iyo Axmed Ibraahim Axmed Dar-maan oo shan sano ah

Dhinaca kale, Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa saaka dhagaysatay dacwada koox kale oo lagu eedaynayo Argagixisnimo, kuwaas oo laga soo qabtay dhawaan magaaladda Burco ee Gobolka Togdheer.

Dhagaysiga Dacwadaha Argagixisnimada ayaa saamyn xoogan ku yeeshay hawl maalmeedka shaqo ee maxkamadaha hoose ee Gobolka, Rafcaanka iyo Degmadda, waxaana inta badan dhacda maalmaha dacwadahaasi jiraan in Garsoorayaasha kale iyo kiisaska ay hayaanba la fasaxo.

Agagaarka Maxkamadaha ayaa la xidhaa, waxaana amaanka la wareega Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee la yidhaahdo RRU-da

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland