Haddii Dalka Ingiriis Maanta Sayladaha Iibka La Dhigi Lahaa, Qiimahan Ayaa La Kala Siisan Lahaa 

London (SLpost)- Warbixinno rasmi ah oo ka baxay dalkaIngiriiska ayaa shaaciyey in haddii maanta dalka Ingiriis iib loo dhigi lahaa, uu qiimihiisu noqon lahaa 8 Tirilyan (Bilyan Bilyan) oo lacaga dalka Ingiriiska ah. Khubaro ka tirsan xafiiska tirokoobyada Qaranka ee dalka Ingiriiska ayaa qiimayn ay muddo wadeen oo ay ku jirto, qiimaha dhammaan guryaha ka dhisan Ingiriiska, dhammaan kaabayaasha kale,sida biriishyada, waddooyinka, agabka, qalabka, saamiyada ganacsi ee ay dadka Ingiriisku leeyihin, dhammaan lacagaha dadka Ingiriis u yaalla bangiyada iyo wax kasta oo qiimo lacageed leh oo dalka dhex yaalla, iyo sidoo kale qiimaha dhulka uu dalku ku fadhiyo, waxaana soo baxday qiimahan aynu kor ku xusnay.

Haddii Dalka Ingiriis la iibiyo oo dadkiisa loo qaybiyo lacagta mid kastaa muxuu heli lahaa?!

Warbixintan xiisaha badani waxa ay tilmaamaysaa in haddii lagu kala dareero dalka Ingiriiska oo inta dalka iyo waxa dhex yaallaba la iibiyo loo qaybiyo muwaadiniinta Ingiriis oo tiradoodu dhan tahay 64.6 Milyan oo qof uu qof kastaa qaadan lahaa 125 Kun oo Giniga Istaraliinka ah una dhiganta 185 kun oo doolar. Haddii qoys ahaan loo tiriyana uu qoys kastaa heli lahaa 302 Kun oo Giri, sida ku cad warbixintan uu Geeska Afrika turjumay eek a soo baxday xafiiska tirokoobyada ee dalka Ingiriiska.

Warka Daily Telegraph oo warbixintan baahiyey ayaa lagu sheegay in guud ahaan waxa ugu qaalisan ee dalka Ingiriiska yaallaa ay yihiin dhismayaasha, qiimayaasha oo si gaar ah ay warbixintu u xustay ayaa waxaa ka mid ah qiimaha Agabyada kala duwan oo ay ka mid yihiin baabuurta iyo Kombiyuutarrada iyo hubka Ingiriisku in uu qiimahoodu noqday 850 Bilyan oo Lacagta Ingiriiska ah.

Xigasho Geeska Afrika