Wajigii Koowaad Ee Dhigida Beebka Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Dhamaaday iyo Gudida Arimaha Bulshada Ee Golaha Wakiilada Oo Soo Indha Indheeyay

 

Hargeysa(SLpost)-Wajigii koowaad ee beebkii biyo balaadhinta Hargeysa ayaa la dhamaystiray waxaana haatan la bilaabayaa  wajigii labaad, gudida arimaha bulshada ee golaha wakiilada ayaa soo indha indheeyay iyada oo shaqadu ay socoto, waxaana halkaas warbixin ku siiyay maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis  waxaana hadaladiisa ka mid ahaa  “Farxad ayey noo tahay in gudoomiyaha iyo ku xigeenka gudida arimaha bulshada ee golaha  wakiiladu ay halkan nala joogaan  iyga oo soo indho indheynaaya  sida mashruuca biyo balaadhinta caasimada Hargeysa ay u socdaan  xafiiska ayey saaka noogu yimadeen war bixin  ku saabsan qaabka shaqada ayaynu siinay Ilaa hada waxaa dhamaadey waa qeybtii kowaad oo la dhameeyey 2 km Iyo 200 m Sabtidana waxaa la  bilaabi doona qeybtii labaad   qeybta saddexaad oo kor u socon doontana waa la dhagax dhigi doona hawshi ilaa hada si wacan eyey  u socotaa.”

mm 5(420) 10(255)

Sidoo  kale waxaa isna dhinaciisa ka Hadley una mahad naqey mareeyaha gudoomiyaha gudida arimaha bulshada ee golaha wakiilada Somaliland xildhibaan Xassan Cawaale Ceynan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Runtii mareeyuhu waxaa uu na soo mariyey goobo badan  oo markaas biyo dhigis ah waxaa kale  oo uu na soo mariyey  qeybta kale ee ay yalaan qalabku,  waxaa  kale oo uu na soo mariyey goobihii la  soo marinayey oo inta badan iminka la soo dhigay  oo iminkana aanu dul taaganahay  iyada oo la dhigaayo shaqale badana ay ka shaqeynayaan  runtii aad iyo aadna waan ugu mahad naqeynaa mareeyaha wakaalada biyaha hargeysa oo hawshan xil weyn iska saaray.”

Biyo balaadhaintan Hargeysa ayaa la filayaa inayw ax weyn ka tari doonto biyo yaraanta ka taagan inta badan magaaladda.