Miyaad Ka Khajishaa Inad Dad Badan Isasoo Hortaagto, oo ad Hadal U Jeediso?

 

Haddii jawaabtaadu maya tahay, waxbaa kuu dhiman!!!!!

.Qof walba 2 miridh ayaa la siiyey, oo la yidhi iska sheekee. Intii ay dadka kale hadlayeen aniga wadnaha ayaa i sii boodboodayey, oo waxa an lahaa maxaad sheegtaa. Dadkan ajinabiga u badan ee ingiriisiga ku wada hadlayaa, bilaa waxa ad sheegto la quudhsadaa oo hoosta lagaa xantaa.

Meesha lagu shirayo AC ayaa ku shidan oo waa qabow, balse anigu waan dhididey. Wixii horeba waan ilooboo, waxan ka fikirayey dadku wey kuwada arkayaan inad dhididsantahay oo ad khajilsantahay. Waxan ku hadley maba xusuusan ee wuxuun baan idhi. Taasi waa maalintii iigu horeysey ee an shaqada sare bilaabo oo an ka qeyb galey shir miis ay fadhiyaan ilaa 30 qof.

12032346_10208095213247364_1147061495_n

.Khajilaadu waa wax qof kasta ku abuuran oo qabsata. Haddad ka khajisho inad dad ka hor hadasho, ama ad ka khajisho inad dad badan isasoo hortaagto oo ad hadal u jeediso, waa wax caadi ah oo qeyrkaa kula qabo. Xataa waxa dhici karta, inad ka khajisho inad hablaha la hadasho, waa haddaad wiil tahay ama ay gabadhu ka khajisho iney will la hadasho oo ay is tidhaa tolow halkee ayaad hadalka ka bilowdaa.

.Waxa jira nooc kale oo khajilaad ah, balse huruuf iyo canaad u shaqeeya. Dad waxa jira iyagu aan kicin oo an wax sheegin, balse qofka isku daya inu dhiirado hoosta uuga gunuunuca oo yidha, kan yaa yidhaa iska fadhiiso iyo taasi waa istusad. Waa nooca dadka uun ka dhex guuxa ee aan inta ay toos u soo baxaan, hadalkooda dhiiban karin. Qofkaasi geesi ayuu isku heystaa, balse, waxa haya xanuunkii khajilaadda oo canaad isu bedelay.

.Waxad ogaataa, khajilaadu iney tahay dabeecad qeyrkaa kaa reebaysa oo kuu diideysa inad horumar sameyso. Qofba qofka uu ka khajilaad yaryahay, ayuu ka horumar badanyahay.

Sidee Khajilaadda la iska bi’in karaa?

LA SOCO MAQAALKA DANBE

Maxamed Cali Bile