Hal-abuur, saxafi iyo qoraa Ingiriisa ahaa oo noolaa intii u dhexeysay Juun 1903kii – Jeenaweri 1950kii ayaa sannadkii 1949kii allifay masraxiyad uu ku saadaalinayo sida ay siyaasadda iyo nidaamka dawladnimo ee dunidu u ekaan doonaan ustaqbalka, si gaar ahna waxa uu u calaamadsaday sannadka 1984ka oo markaas muddo soddon sano iyo badh ka badani ka xigtay.
Hal-abuurkan oo magaciisa qalinku uu ahaa George Orwell, waxa uu sawiray dawlad malo-awaal ah oo marka la gaadho taariikhdaa 1984ka ee uu ruwaayadda ugu magac daray, ka dhalan doonta dalka Ingiriiska oo uu u bixiyey Oceania. Dawladdan uu sawirayo George Orwell nidaamkeeda maamul iyo hannaanka ay dadka ula macaamilaysaa waxa ay sawirayaan nolol been-abuur ah oo ay ugu talagashay keliya in ay ku kasbato afkaarta, ficillada iyo xidhiidhka bulsho ee dadkeeda. Waa xukuumad ah keli-talis gaadhay heer ay wax-ka-beddel ku samayso afkii dadku ku hadlayeen (Luuqaddii) oo ay ku soo ururiso ereyo iyo tibaaxo aan sinnaba loogu cabbiri karin macne si uun looga dhadhansan karo mucaaradnimo dawladda ka dhan ah. taas macnaheedu waa in ay la dagaallantay xitaa erey kasta oo ay u qaadato in caydeeda iyo mucaaradisteeda loo adeegsan karo.
Muraayado talefishan oo waaweyn ayaa meel kasta la dhigay, si muwaadiniinta loogu gudbiyo is-ammaanista xukuumadda iyo baahinta nimcooyinka ay sheegto in ay ku soo faruurtay dalka, sidoo kale waxaa laga sii deyn jiray hadallo rayul-caamka lagu jihaynayo si aanay xukuumadda dib ugu soo eegin.
Waxaa muwaadinkii caadiga ahaa la gaadhsiiyey heer uu aamino in ay jiraan muwaadiniin iyagu ah dabaqad sare oo lagu magacaabo xisbiga gudaha (Dad talada ka agdhow) kuwaas oo ah dad aan xilal rasmiya xukuumadda ka haynin, balse haddana taladu iyaga ka go’do, hoggaamiyuhuna kelidood wax weydiiyo ama taladooda ku socdo iyo dabaqad kale oo iyaduna taas ku sii xeeran oo lagu magacaabo Xisbiga dibadda (Dadka kuwa talada haya ka sii agdhow, balse iyagu aan aad u gaadhin hoggaamiyaha), dabaqaddan dambe iyagua waa kuwa ku magacaaban wasiirrada iyo xilalka waaweyn ee dawladda, balse dhegta hoggaamiyaha laga xigo, dadka inta labadaa dabaqadood ka soo hadhay oo muwaadiniintii oo dhan ahina ay yihiin raciyad loo talinayo oo dantooda laga shaqaynayo. Sidaa awgeed dawladdan uu George Orwell saadaaliyey, dadkeedu waxa ay u qaybsan yihiin saddexdaas lakab ee kala sarreeya. Oo saddexdaba uu ka sii sarreeyo oo talada dalku ku soo ururtaa shakhsi uu hal-abuurku ku magacaabay “Walaalka Weyn” oo isagu dusha kala socda xaalka oo dhan, talada gacanta ku haya, amarraduna ugu dambaynta magaciisa ku soo baxaan, dadka oo dhamina daacad u yihiin una dhego nugul yihiin.
‘Walaalka Weyn’ oo uu hal-abuurku uga gol leeyahay hoggaamiyaha dalkan uu malo-awaalay ayaa sidoo kalana ah hoggaamiyaha xisbiga talada haya, waana shakhsiyadda ugu awoodda iyo karaamada badan oo dadka oo dhami ka-ag-dhowaanshiyihiisa u tartamayaan, kalgacalna u muujisanayaan, gaar ahaan, kuwa ku xeeran ee lakabka labaad ku jiraa (Wasiirradii iyo masuuliyiintii kale ee sare) ay ku dadaalayaan in erey wanaagsan uun uu ka maqlo, iyo in cid kastaa ay erey wanaagsan uga ag tidhaahdo ay abaal mariyaan.
George Orwell oo magaciisa saxda ahi ahaa Eric Arthur Blair, waxa uu masraxiyaddan ku sawirayaa in sida hoggaamiye kastaaba yeelo uu ‘Walaalka Weyni’ dhisay gole xukuumadeed oo ka kooban wasaarado kala duwan. Laakiin waxaa yaabka lihi waa magacyada uu hoggaamiyuhu wasaaradahan u bixiyey, oo ah magacyo qurux badan oo haddana gebi ahaanba liddi ku ah (Ka soo horjeeda) shaqada runta ah ee ay qabanayaan. Waxaana ka mid ah wasaaradahaas:
- Wasaaradda RUNTA:
Wasaaraddan shaqadeedu waa in ay faafiso beenta iyo dacaayadaha xukuumadda iyo Walaalka Weyn ee hoggaamiya. Waxa ay baahisaa taariikhdiisa ay dahabiga ku sheegto. Shaqooyinkeeda waxaa ka mid ah in ay soo ururiso maqaal kasta oo wargeysyada ku soo baxa oo lagu ammaanayo ‘Walaalka Weyn’ si qofkii qoray loo abaal mariyo, loogana shaqeeyo in dib loogu qoro wargeysyada kale ama dadka kale lagu dhiirrigeliyo in ay kan oo kale qoraan. Waxaa la abuuraa ama la buun-buuniyaa taariikhda ‘Walaalka Weyn’ si dadka loogu tuso in aanu jirin ruux ka mudan hoggaaminta dalka, waayo waa ruug-caddaa, garasho badan oo il-dheer, erey kasta oo uu yidhaahdaana waa xikmad loo wada guuxo, oo aan laga filayn in uu maskax qof caadiya oo kale ka soo maaxato.
Wasaaraddan oo hal-abuurku si badheedh ah u siiyey magacan ku liddiga ah waxa runta ah ee ay qabataa, waajibaadka kale ee xukuumaddu ka rabto waxaa ka mid ah, in ay falsafadayso taariikhda iyo wax-qabadka ‘Walaalka Weyn’, in ay allifto tixo iyo tibaaxo xukuumadda wanaaggeeda sawira.
Qof kasta oo fikiri karaya ama aqoon leh oo sheegi kara wax ka duwan, waxa uu Walaalka Weyni xiisaynayana waxa ay wasaaraddani dadka u tustaa in uu yahay doqon dib-u-socod ah, aqoon-laawe iyo ruux qarannimada duminaya oo cadow shisheeye ka dambeeyo.
In badan ayaana la arkayaa iyada oo ku guulaysatay in maan-gaabka iyo danaysatadu ay u fahamsiiso in, ‘Walaalka Weyni’ marka uu doono awood u leeyahay in, Laba Laba lagu daray uu Shan ka dhigo, (2+2=5) oo Afartii ay dadku moodayeen (2+2=4) ay qaldan tahay, mar haddii ay caqliga Walaalo ka hor timid.
Arrinta kale ee xiisaha leh ee masraxiyaddan ku jirtaa waa qisada Winston Smith oo ah shakhsiyadda koowaad ee masraxiyadda. Smith waxa uu u shaqeeyaa wasaaradda RUNTA, balse inta aynaan shaqooyinkiisa hoos u eegin aynu, marka hore booqanno dhismaha xarunta wasaaradda RUNTA ee uu hal-abuurku masraxiyadda ku xusayo.
Wasaaradda RUNTU waxa ay leedahay dhisme qaab saddex-geesood ah u samaysan oo aad u ballaadhan, dusha sare ee gidaarka bannaanka u jeeda waxaa ku dhejisan boodh aad u weyn oo meel fog laga akhriyi karo, oo ay ku qoran yihiin saddex hal-ku-dheg oo sees u ah dhammaan hawlaha kala duwan ee ay wasaaradda RUNTU qaranka u hayso, waxa aanay hal-ku-dhegyadaas sida quruxda badan u qorani ay yihiin:
- Dagaalku waa Nabad.
- Xorriyaddu waa addoonsi.
- Jaahilnimadu waa quwad. La soco…
Qalinkii Kamaal Axmed Cali