Xildhibaan C/Raxmaan Dheere Oo Komishanka Doorashooyinka Ku Eedeeyay Inay Sharciga Dalka Iska Indho Saabeen

“Haddii Guurtida Lagu Qasbo Inay Ka Noqoto Muddo Kordhinta Ay Sameeyeen Waa Nabar Ku Dhacay Somaliland Waligeedna Daba Socon Doona”

 ‘Arrinta Doorashada Ee Saamaynta Ku Yeelatay Masraxa Siyaasadeed Waxa Ka Wasuula Komishanka Doorashooyinka Qaranka’ Cabdiraxmaan Dheere

Hargeysa, (SLpost)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si adag u naqdiyay Koomishanka doorashooyinka Qaranka oo uu ku eedeeyay inay baal-mareen dastuurka dalka u yaalla.

Cabdiraxmaan Dheere oo shalay la hadlay warbaahinta qaranka ayaa waxa uu sheegay in murankii ka dhashay muddo kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyeen  xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda ay ka masuul yihiin komishanka doorashooyinka maadaama oo ay baal-mareen go’aankii dastuuriga ahaa ee muddo kordhinta ay ku sameeyeen aqalka odayaashu.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere waxa kale oo uu sheegay in aan la aqbali Karin in laga noqdo muddo kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo aqalka hoose ee baarlamaanka.

“Arrinta doorashooyinka ee saamaynta ku yeelatay masraxa siyaasadeed ee Somaliland iyo muddo kordhintii loo sameeyay xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda waxa aan isleeyahay murankaas waxa ka masuula komishanka doorashooyinka qaranka, iyadoo ay caddahay oo la yaqaano nidaamka loo maro muddo kordhinta oo ay awood u leeyihiin inay doorashadda ku qabtaan xilliga sharciga ah ee jira gudihiisa bisha Juun 26keedii 2015, mudadaa ka horaysay  ayay awood u lahaayeen  in ay gudaheeda ku qabtaan doorashooyinka. Iyagoo raacaya shuruucda dalka,”ayuu ku dooday Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere

Xildhibaanku waxa kale oo uu intaa ku daray “Laakiin, nasiib darro waa kuwii wakhtiga doorashooyinku qabsoomayaan ay cayimeen Golaha guurtidu, laalayna soo jeedintii Komishanka ee sharci darrada ahayd, markaa muranka iyagaa bilaabay oo masuul ka ahaa in muran ka yimaado muddo kordhinta.”

“Tan labaad ee dhacday ee xisbiyadda mucaaridka ku kaliftay inay yidhaahdaan shir qaran ayaan qabanaynaa komishanka ayaa sababay markii ay yidhaahdeen ma garanaynayo doorashadda wakhti aan ku salayno, iyadoo ay haystaan go’aankii Golaha Guurtida ee sharciga ahaa, intaas oo komishan oo ka horeeyay xeerarkan way ku shaqeeyeen wali kumay dhicin arrin noocan oo kale ah, waxaana ay ku habboon tahay in la waydiiyo komishanka in shuruucda qaranka ay raacayaan iyo in kale, ayay ku habboon tahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin.

Xildhibaanku waxa kale oo uu baaq u jeediyay xukuumadda, waxaanu yidhi “Xukuumadda ayaad moodaa in labac-labac ku jirto oo ay og yihiin in Golaha Guurtidu ansixisay muddo kordhin oo ay u codaysay, haddii tallo jeedin gudbinayaan waxa ay ahayd inay gudbiyaan intii aan Golahaasi muddo kordhinta samayn, markaas ayay Guurtida eeda la saari lahaa oo la odhan lahaa talladii aanu gaadhnay tix-galin lama siin, laakiin guurtidii oo muddo kordhin samaysay oo ay awood u leeyihiin oo qodobka 83 ee dastuurku siinayo inay qiimeeyaan wakhtiga doorashadda muddo kordhina sameeyaan.”

Mudane Cabdiraxmaan Dheere isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Xaq umay lahayn in xisbiyadu heshiis ka dabo-geeyaan xukuumaduna inay ku doodo maaha waa, in ay xukuumaddu xisbiyadda u caddayso in Guurtidu kordhisay oo lagu shaqaynayo xiliga kordhinta oo lagu qabanayo doorashooyinka xiliga uu tilmaamayso muddo  kordhintu  oo komishankuna  ay waajib tahay inay raacaan, Xisbiyaduna waa in caynkaas ay u ogaadaan. haddii guurtida lagu qasbo inay ka noqoto muddo kordhintii ay sameeyeen waa nabar ku dhacay Somaliland waligeedna daba socon doona.”

“Mucaaridka kursi ayaa u muuqda, waa niman wada cusub oo dibada ka yimi, dibada ayay ka soo wada hangalaysteen, illaa iyo Maraykan iyo Ingiriis ayay ka soo yaaceen, waxaana lagu yidhi marka aad tagto gudida fulinta xisbiyadda waad ka mid noqon kartaa, oo madaxweyne ayaad isku sharixi kartaa iyo guddoomiye xisbi, isagoo maanta yimi ayaad bari arkaysaa isagoo murrashax ah marka golaha wakiiladu furmana waxa aan soo jeedin doonaa in wax ka badal lagu sameeyo xeerarka doorashada.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere).

Source: DAWAN