Wasiirka Maaliyadda Oo Isku Bedel Ku Samaysay Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Wasaaradda

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa  isku bedel ku samaysay masuuliyiinta waaxyaha wasaaradda.Wasiirka Maaliyadda

Digreeto ay wasiir Samsam soo saartay 20-kii bishan June 2015-ka ayay ku samaysay isku-beddel iyo magacaabis qaar ka tirsan Masuuliyiinta Waaxyaha Isu-duwidda iyo Kastammada Cashuuraha ee Wasaaraddaas.

Wasiirka Maaliyaddu waxay Digreeto Wasiir ku magacawday Masuul cusub, kaasoo ay u magacayday inuu Maamulaha Kastamka Cashuuraha Maaliyadda ee Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa uu noqdo Sahal Cabdillaahi Aadan.

Sahal Cabdillaahi Aadan oo hadda taariikhda Digreetadani soo baxday ee shalay laga bilaabo ah Maamulaha Kastamka Madaarka Hargeysa, ayaa Wasiirku ka soo beddeshay Xarunta Waaxda Kastamka, laba bilood ka horna waxa ay Wasiirku ka qaadday xilka Maamule ee kastamka Abaarso.

Sidoo kale waxay Wasiirku magacawday Saleebaan Maxamed Maxamuud oo ay  magacawday Isu-duwaha gobalka Togdheer ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo laga soo beddelay Maamulaha Kastamka Madaaarka Hargeysa Ibraahin Cawil Xaaji Nuur oo ay Wasiirku u beddeshay Xarunta Waaxda Kastmaka, horena u ahaa Isu-duwaha gobolka Togdheer ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

Sidaa ayaa lagu sheegay oo Qoraalka Digreetada Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan soo saartay 20-kii bishan June ee Sabtida maanta ay xambaarsanayd, taasoo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews xarunteeda Caasimadda Hargeysa.

 

Somalilandpost.net