360 Arday horleh oo maanta Tabobar uga Furmay Dugsiga Laylinta Ciidamada Booliska ee Mandheera

Hargeysa, 26 March, 2012 (SLpost)- Wasiir ku Xigeenka Dhinaca Maamulka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Cismaan Garaad Soofe ayaa Maanta tababar u furay Sadex boqol iyo Lixdan arday oo arday dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Mandheera .

Ardaydan oo sannadkan ka baxay dugsiyada sare iyo jaamacadaha dalka oo dhowaan loo qaatay inay ka mid noqdaan ciidamada Booliska, waxa munaasibadda furitaanka tabobarka ka qayb-galay masuuliyiin ka tiran xukuumadda iyo Saraakiil ciidamada Booliska ah.

Wasiir ku Xigeenka Dhinaca Maamulka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Cismaan Garaad Soofe oo hadal ka jeediyay furitaankii tababarkan ayaa xusay doorka ciidanka booliska ka saaran hawl galada amaanka lagu xoojinayo iyo waxyaabaha ay ka  filayaan inay ciidanka ku soo kordhiyaan Sadexdan boqol iyo Lixdankan ka mid ahaa ardayda ka baxday dugsiyada sare iyo jaamacadaha wadanka waxaanu sheegay in looga baahan yahay inay dhamaystaan tababarka isla markaana u hogaansamaan awaamiirta iyo anshaxa ciidan-nimo waxa uu wasiir ku xigeenka dhinaca maamulka ee wasaarada arrimaha guduhu cadeeyay inay ku rajo weyn yihiin sidii ay ciidankan cusubi marka ay hawl galaan u buuxin lahaayeen meelaha galdalooladu ka jirto ee u baahan in si xigmadi ku jirto loo gufeeyo.

Mudane Cismaan Garaad Soofe waxa uu kula dardaarmay ardaydan tababarka ciidan-nimo u bilaabmay inay ka faa’iidaystaan waxbarashada la siinayo mudada ay dugsiga Mandheera ku jiraan.

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland ahna madaxa hawl gelinta Ciidanka booliska C.laahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in dufcadan laga soo xulay Gobolada iyo degmooyinka dalka kuna sifeeyay dhalinyaro mutacalimiin ah oo go’aansaday inay aqoontooda uga faa’iideeyaan wadankooda.

Ku simaha taliyaha Ciidanka boolisku waxa uu hoosta ka xariiqay in xilka saaran askariga booliska ah ay tahay ilaalinta hantida muwaadiniinta ay dirayska u qaateen waxaanu intaas ku daray in tababarkani uu socon doono mudo afar bilood ah.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland