Nuxurka kalfadhi aan caadi ahayn oo Golaha Guurtida u Furmay iyo Ajandayaasha Horyaala

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland oo ku gudo jiray fasaxoodii caadiga ahaa ayaa maanta gudo galay kalfadhi aan caadi ahayn oo shirgudoonku iskugu yeedhay si ay goluhu doorkooda ka qaataan adkaynta nabadgelyada dalka.

Kalfadhigan aan caadiga ahayn oo uu gudoominayay Ku simaha gudoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, waxa ka soo xaadiray 44 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee Aqalkaasi ka kooban yahay.

Sh. Axmed Sh. Nuux, oo hadal u jeediyay Mudaneyaasha ayaa sheegay golaha loogu yeedhay si ay doorkooda uga qaataan wacyigelinta bulshada ee la xidhiidha dhinaca ammaanka, waxaanu tilmaamay in xeer hoosaadkooda iyo dastuurkuba u ogol yahay inay kal-fadhiyo aan caadi ahayn yeeshaan marka hawlo deg deg ahi soo waajahaan.
Mudaneyaasha fadhigan ka soo xaadiray ayaa loo qeybiyay ajandaha kalfadhigan aan caadiga ahayn oo ay ka mid ahaayeen qodobadani.
1-Warbixinta shirgudoonka Golaha.
2-Dooda iyo falanqeynta xaalaadka taagan ee dhinacyada nabad gelyadda iyo siyaasadda.
3- Xogwaran goluhu la yeesho masuuliyiinta ay ka midka yihiin:-
– Wasiirka Arrimaha Gudaha
– Taliyaha Ciidanka Booliska
– Wasiirka Arrimaha dibadda
4-Iyo waxyaabo kale.

Waxa gabo-gabadii fadhigaasi Mudaneyaasha Golaha Guurtidu ay cod gacan taag ah ku ansixiyay ajandaha kalfadhigan aan caadiga ahayn, waxaana u codeeyay dhamaan Mudaneyaashii fadhigaasi ku sugnaa.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net