30 Sano Kadib Muqdisho Oo Lagu Qabtay Shirka IGAD Iyo War Murtiyeedka Ka Soo Baxay

Muqdisho (SL.Post) Madaxda Urur-goboleedka IGAD, ayaa markii ugu horreysay Shir Saacad socday, isla markaana gebogabadiisii waxa ka soo baxay war murtiyeed.

 

shir_madaxeedkii_igad-3

 

War Murtiyeedka ka soo baxay shirkaa waxa lagu sheegay in lagu taageeray Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya iyo in looga dambeeyo arrimeheeda gaarka dowladda Federaalka ah. Waxa kale oo ka mid ah qodobada shirkaa ka soo baxay, in Midawga Afrika (AMISOM) door muhiim ah ka qaadato nabadgelyada doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Soomaaliya, Xal-u-helidda Qalalaasaha Suudaanta Koonfureed ka taagan iyo adkaynta xidhiidhka siyaasadeed ee Dalalka Xubnaha ka ah IGAD iyo qodobbo kale oo badan.

 

Kulankaa waxa ka qayb galay Hoggaamiyayaasha dalalka Dalalka Kenya Uhuru Kenyatta, Uganda Yoweri Museveni iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Soomaaliya iyo weliba Masuuliyiin ka socda dalalka Sudan, Jabuuti iyo Sudanta Koonfureed.  Urur-goboleedka IGAD, waxaa xubno ka ah Waddamada Itoobiya, Uganda, Jibuuti, Kenya, Sudan, Soomaaliya iyo Suudaan-ta Koonfureed. Waxaana ka baaqday Shirkaas oo aan ka soo qaybgelin Madaxweyneyaasha Jabuuti, Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed, kuwaasoo sababo kala duwan awgood uga baaqday Shirkaas oo ay ku casuunnaayeen.

 

Waa shirkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee magaalada Muqdisho lagu qabto muddo 30 sano ku dhow tan iyo markii ay burburtay dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya 1991-kii. Waana markii ugu horreysay ee Soomaaliya lagu qabto Shir-madaxeed IGAD tan iyo markii la aasaasay Urur-goboleedka IGAD 1984-kii. Sabtidii aan soo dhaafnay, ayaa la filayey inuu furmo kulankani, balse dib u dhac ayaa ku yimi, mana caddeyn sababta dib loogu dhigay, hase-yeeshee Salaasadii shalay ayuu si rasmi ah uga furmay Muqdisho, waxaana furay Madaxweynaha dalka Martida loo ahaa ee Soomaaliya Xasan Sheekh.

 

 

Geesta kale, waxaa Kulan gaar ah yeeshay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta, ayaa Shir Jaraa’id oo ay kulankooda ka dib wada qabteen waxay sheegeen inay isku raaceen in dib loo furo Ganacsiga Jaadka Kenya ka yimaada ee Soomaaliya loo iib keeno oo toddobaadkii hore dowladda Federaalku shaacisay inay hakisay, sidoo kalena Kenya ay muddo saddex bilood ah uga baaraan-dagto sidii loo joojin lahaa baadhitaanka dadka Muqdisho ka dhoofa lagu sameeyo markay marayaan degmada Wajeer ee Waqooyi-Bari Kenya.

 

 

 

Somalilandpost.net