30-Guurada Dhagax-tuurkii Hargeysa Oo Berri Dalka Laga Xusayo Iyo Wasiirka Ciyaaraha Oo Dhalinyarada Somaliland Hambalyo u Diray

Hargeysa, 19 February, 2012 (SLpost)-  Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada, Dhaqanka Iyo Ciyaaraha Md. Cabdi Siciid Faahiye ayaa da’yarta Somaliland meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay, xuska maalinta dhalinyarada ee 20-ka February, isla markaana ku beegan xuska maalinta dhagax tuurkii Hargeysa ee sanadkii 1982-kii.

Wasiirka waxa uu dhamaan dhalinyarada Somaliland meel kasta oo ay joogaan u rejeeyay in sanadka, sanadkiisa ay ku gaadhaan, bash bash iyo barwaaqo, sidoo kale wasiirku waxa uu Naxariistii Jano inuu Rabi Ka Waraabiyo u Rejeeyay dhamaan, Da’yartii shuhadada ahayd ee ku geeriyootay maalintii dhagax tuurkii 20-kii February 1982-kii.

Wasiirka ciyaaraha, dhaqanka iyo Dhalinyarada Somaliland ugu danbayntii waxa uu da’yarta Somaliland meel kasta oo ay joogaan ugu baaqay inay ka shaqeeyaan, horumarka iyo ilaalinta qaranimada, isla markaana wada jirka iyo midnimada Somaliland wax kasta ka horaysiiyaan.

Xuska 30aad ee ka soo wareegay maalintii dhagax tuurkii Hargeysa ee sanadkii 1984-kii ayaa lagu wadaa in dalka laga xuso, waxaana maalintaas ay wasaarada Ciyaaraha, dhaqanka iyo Dhalinyarada Somaliland u astaysay ama u aqoonsatay in ay noqoto maalinta dhalinyarada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net