29 Qof Oo ku Dhintay Werarro ka Dhacay gobollada Texas iyo Ohio Ee Mareykanka

Ohio (SLpost)- Ugu yaraan 29 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen labo weerar oo kala duwan oo xalay ka kala dhacay gobollada Texas iyo Ohio ee dalkaan Mareykanka.

 

Weerarka hore ayaa ka dhacay magaalada El Paso ee gobolka Texsas, kaddib marki wiil caddaan ah oo hubeysan uu rasaas ku furay dad ka adeeganayay dukaanka Walmart oo ka mid ah dukaanada ugu waaweyn Mareykanka.

 

Taliyaha booliska ee magaalada El Paso, Greg Allen ayaa sheegay in weerarkan ay u xireen wiil caddaan ah oo 21 jir ah. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay in qofka weerarka looga shakisanyahay uu yahay Patrick Crusius.

 

Booliska ayaa helay qoraal uu ninkani ku daabacay baraha bulshada ka hor inta uusan weerarka geysan, kaasoo uu ku sheegay inuu bartilmaameedsan doono dadka hisbaaniga ah ee kasoo jeeda Koofurta America.
Ciidamada Booliska iyo kuwa Danbi-baarista ee FBI waxay maanta sheegeen in ay billaabeen baaritaan ku aadan, sababaha ku kallifay inuu ninkani weerarka qaado.

 

Dhanka kalana, saaco kaddib marki uu dhacay weerarki EL Paso ee gobolka Texas, qof hubeysan ayaa toogasho ka geystay magaalada Dayton ee gobolka Ohio, halkaas oo uu ku dilay 10 qof, halka isbitaalka la dhigay 26 dhaawac ah.

 

Booliska ayaa sheegay in ay dileen qofka weerarka qaaday, daqiiqo yar kaddib marki uu billaabay toogashada.
Weerarkan ayaa noqday kii 250-aad ee ka dhaca Mareykanka sanadkaan, sida ay sheegtay Hey’adda Diiwaangelisa Rabshadaha ka dhasha hubka.