Maayirka Caasimadda Hargeysa oo soo bandhigay Mab cusub oo ay yeelan doonto Magaaladda Hargeysa +Daawo

Hargeysa(SLPOST) Maayarka Maayarada Dalka ahna Duqa Caasimada Dalka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco)  iyo hay’adda

11111salo

qaramada midoobay u qaabilsan dib u dejinta ee loo yaqaano UN-Habitat  ayaa maanta si wada jira u soo bandhigay khariirad cusub oo ay yeelan doonto caasimada Hargeysa.

Kulanka lagu soo bandhigay khariirada cusub ee caasimada Somaliland ee Hargeysa oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay maayarka caasimada Hargeysa, xildhibaanada golaha deegaanka,xoghayaha fulinta ee dawlada hoose iyo madaxda hay’adda UN-Habitat.

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ka hadlay  kulankan lagu soo bandhigayey khariirada cusub ee ay  yeelan doonto caasimada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin soo bandhigida

khariiradan cusub, waxaanu tilmaamay inay dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa ay magaalada u samaysay nashqad cusub oo tilmaamaysa qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimada iyo dhismayaasha caanka ah ee ku yaala, waxaanu sheegay inay hir gelinta arintan kala kaashadeen hay’adda UN-Habitat oo ka caawisay fulinta barnaamijkaas.

Sidoo kale waxa kulankan lagu soo bandhigayey khariirada cusub ee ay yeelan doonta caasimada Hargeysa ka hadlay madaxa qorshaynta dhulka iyo nashqadaynta ee hay’adda UN-Habitat Emenah  waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay caasimada Somaliland u sameeyaan khariiradan, waxaanu sheegay in khariiradan cusub ee ay u sameeyeen magaalada Hargeysa ay u sahlayso dadka aan kala garanayn magaalada inay si dhibyar u helaan halka ay doonayaan  gaar ahaana hudheelada waa weyn iyo waddooyinka caanka ah ee dhex mara caasimada Hargeysa.

 Halkanka Daawo

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

<iframe width=”420″ height=”315″ src=”//www.youtube.com/embed/fQvd3QyAOgI” frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>