“24 Saacadood Gudahood Haddii Xaqayaga Naloogu Keeni Waayo Waa la Arki Doonaa” Shaqaale Ka Tirsan Xafiiska WFP ee Berbera oo Cabasho Ka Muujiyey Saraakiisha ugu Sareeya Hay’adda

 

Hargeysa(SLpost)-14 shaqaale ah oo ka mid ah shaqaalaha hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP xafiiskooda magaalada Berbera ayaa cabashooyin ka muujiyey xaqoogii oo ay sheegeen in ay u shaqaynayeen muddo ku dhaw todoba sanno islamarkaana heshiiskii ay la galeen oo ku dhaw gabaabsi aan la siin lacag ay ku lahaayeen hay’adda. Waxa ay shaqaalahani xukuumadda Somaliland ka codsadeen in ay wax ka qabato xuquuqdoodii oo ay sheegeen in ay ka musuqeen saraakiisha ugu saraysa Hay’add WFP ee Somaliland.

 

“2009 baan shaqo galay, Qaramada midoobay ee xaqa iyo xuquuqda biliaadamka sheegta in ay ka hadlaan baan u shaqaynayey, Intaa aan u shaqaynayey xaqaygii iyo xuquuqdaydii baan laayahay” mid kamid shaqaalaha sheeganaya in uu xaq ka maqan yahay